HAYADDA CAIR EE G/MINNESOTA EE DALKA MARAYKANKA OO COSDI U DIRTAY….
(SAWIRKA)-DABKA KA KACAY MASJIDKA AL-XIKMA.
(MINNEAPOLIS/MNN)-Gelinka dambe ee shalay oo Talaada ahayd, cutubka Minnesota ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka (CAIR-MN), oo ah Hay’adda u doodda Xuquuqda Madaniga ah ee Muslimiinta, ayaa qabanaysa shir-Jaraa’id oo ey ku celinayso baaqeeda ku aadan in la Baaro sababaha suurtagalka ah ey salka ku hayso isku-dayga dab qabadsiinta ee Masjidka AL-Xikma ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Mas’uuliyiinta Masjidka AL-Xikma ayaa sheegay iney rumeysan yihiin in isla ruuxii la sheegay in uu horay isku dayay in uu Masjidka gubo uu dib u soo laabtay oo uu gudaha u galay Masjidka, balse uu joojiyay qof ku tukanayay Masjidka. Eedeysanaha oo la sheegay inuu ku hanjabay inuu gubayo Masjidka, ayaa la sheegay iney Boliska gacanta ku dhigeen.
Goorta ey wax dheceen ayaa ah Talaado, Oktoobar 7, 5 galabnimo waqtiga Gobolka Minnesota.Halka ey wax ka dheceen ayaa ah Banaanka Masjidka AL-Xikma, kaaso cinwaakiisu yahay 116 E 32nd St, Minneapolis, MN 55408. "Mas'uuliyiinta sharciga ee magaalada, Gobolka iyo Federaalka waa iney si dhab ah u qaataan shilalkan Argagaxa leh eyna sameeyaan baaritaan buuxa oo daahfura oo aan lahayn wax eex ah," ayuu yiri Agaasimaha Fulinta ee CAIR-MN Jaylaani Xuseen.
DULUCDA/TIXRAACA:
Fiidnimadii Sebtembar 29-keedii, kamaradaha Qarsoon ee Masjidka AL-Xikma ayaa duubay qof aan la aqoonsan oo ka baxaya aagga u dhow albaabka guriga hoose. Daqiiqado ka dib, dab ayaa ka kacay albaabka hore ee albaabka hoose ee xiran. Masaajidku waxa uu lahaa xanaano dharaar oo buuxa kaas oo la geli karo. Waqtigaas, mas'uuliyiintu, iyada oo aan la baarin, waxay ku dhawaaqeen dabka "shil."
XIGASHO-TUSMO TIMES.