GABAR SOOMAALIYEED OO GAARI JIIRSIISAY NIN GANACSADA AH.

(SAWIRKA)-SACDIYA.

(MINNEAPOLIS/MN)-Booliiska magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka maraykanka ayaa xiray Sacdiyo Bashiir Aadan oo ah gabar Soomaali ah oo 18-sanno jirta. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay iney gaari jiirsiisay/dardarsiisay nin ganacsi ku leh Suuqa Midtown Global Market ee ku yaala wadada Lake Street, magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Dacwad dembiyeedka loo haysto Sacdiyo Bashiir Aadan oo 18 jir ah, oo degen magaaladda Faribault, ayaa waxaa ku qoran in lagu soo oogay dacwad ah iney geysatay weerar heerka labaad ah, iyadda oo si ula kac ah qof naftiisa khatar u gelisay, sababtayna dhaawacyo baddan oo halis ah oo ey u geystatay ninka y baabuurka marsisay. Dacwad oogayaasha degmadda Hennepin ayaa sheegay iney gabadhani waday gaari Toyota Avalon ah oo ey iyadu baabuurka jiirsiisay nin ganacsadde ah oo ey iyadda iyo nin la socday alaab kala carareen marka ey arrintani dhacday. Muuqaalo video ah ayaa lagu arkay sida ey wax u dhaceen. Fal dambiyeedkan ayaa ka dhacay banaanka Suuqa Midtown Global Market oo uu ciwaankiisa rasmiga ah yahay 2929 Chicago Ave, Minneapolis. Shaqaalaha isbitaalka Hennepin ayaa sheegay in dhibbanaha iyo ninka ganacsatadda ah ee baabuurka la jiirsiiyay uu ka jabay sideed feerood oo dhanka bidixda ah, lafo kale oo lugaha ahna ka jajabay, sidoo kallena dhiig uu maskaxda uga furmay. Ninka ganacsaddaha ah oo aan Jinsiyadiisa iyo Magaciisa la sheegin ayaa weli ku jira Isbitaalka. Gabadhan oo Maxkamad la hor keenay ayaa lagu xiray $1,500 damiin lacageed ah oo ay ku jiraan shuruudo ey ka mid yihiin in eyna la xiriirin, kana ag dhowaan ninka ey baabuurka jiirsiisay, sidoo kalena eyna tegi karin goobta ganacsiga ee ey dembigan ka geysatay. Waxaa kale oo gabadhan lugta looga xiray aalad elegtarooniga ah oo lagula soconayo meesha ey joogto oo ey mar walba ku sugan tahay(GPS). Haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay, gabadhan ayaa wajihi doontaa ciqaabta ugu badan gaareyso ilaa 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan ilaa $20,000.

XIGASHO-TUSMO TIMES.


Previous
Previous

TAALO XUSUUS AH OO LAGA DHISAY HALKII LAGU DILAY CAAQIL CUMAR.

Next
Next

HAYADDA CAIR EE G/MINNESOTA EE DALKA MARAYKANKA OO COSDI U DIRTAY….