TAALO XUSUUS AH OO LAGA DHISAY HALKII LAGU DILAY CAAQIL CUMAR.

(SAWIRKA)-GAARIGII UU LA SOCDAY CAAQIL CUMAR.

(SANAAG)-Wararka laga helaayo Gobolka Sanaag ee Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa sheegaayo in Goobtii ey diyaaradu ku duqeysay Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi oo ka tirsanaa Samadoonada Gobolka Sanaag, ayaa laga sameeyay Taallo Xasuus ah, iyadoo lagu dalbanayo caddaalad iyo daahfurnaan ku saabsan dilkiisa. “Waxaan ka dalbabaynaa caddaalad iyo daahfurnaan Dowladda Maraykanka, sababtii lagu dilay hoggaamiye dhaqameed aan jeclayn,” ayaa lagu qoray farriin ku qoran Taallada. Goobta Taalladan laga sameeyay waxaa dhinac yaalla burburkii gaarigii lagu beegsaday Caaqilka, kaasoo la sheegay inuu halkaasi uu aali doono ilaa Maraykanka ka garowsanayo gardarrada lagu beegsaday Caaqilka. Dhawaan, qoyska marxuumka ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, iyagoo ka codsaday in Puntland caddeyso doorka ey ku lahayd dilka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Maraykanka uusan wax ogeysiis ah ka siinin dilka Caaqilka, balse dowladda ey wado baaritaan ku saabsan kiiska. 13-kii bishii hore ayaa Caaqilka lagu dilay duqayn ey ciidamada Maraykanka ey ka fuliyeen Gobolka Sanaag. Laba toddobaad ka dib, Maraykanka ayaa xaqiijiyay duqaynta, isagoo sheegay iney beegsadeen xubin ka tirsan kooxaha Argagixisada oo ku lug lahaa kala gudbinta hubka. Ka dib sheegashadan, dibadbaxyo ka dhan Maraykanka iyo Puntland ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

DALKA MAROOKO OO MARTIGELN DOONO TARTANKA K/CAGTA QAARADA AFRIKA-2025-KA.

Next
Next

GABAR SOOMAALIYEED OO GAARI JIIRSIISAY NIN GANACSADA AH.