DALKA MAROOKO OO MARTIGELN DOONO TARTANKA K/CAGTA QAARADA AFRIKA-2025-KA.

(SAWIRKA)-CAF IYO MAROOKO.

(KISHASHA/DRC)-Wararka inaga soo gaaraayo caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ee Koongo ee Kinshasha ayaa sheegaayo in Xiriirka kubbada cagta Qaaradda Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (CAF) ayaa weli ku adkaysanaya iney ka go’an tahay in dalka Marooko iney martigeliso Koobka Qaramada Afrika ee sannadka 2025. Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika (CAF) Patrice Motsepe ayaa soo jeediyay taageero xoog leh Isniintii intii lagu jiray shir Madaxeedka sanadlaha ah ee Ururka kaaso lagu qabtay caasimadda Kinshasa. Isagoo ka hor hadlaya dadweynihii uu ka mid ahaa Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, Motsepe ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in tartanka loo raro dal kale. "Marooko waa Qorshe A, Marooko waa Qorshe B, Moroccona waa Qorshe C," Ganacsadaha Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqay, isagoo hoosta ka xarriiqay mowqifka aan leex-leexadka lahayn ee Xiriirka isku xirka qabanqaabada martigelinta. Motsepe wuxuu muujiyay kalsoonida awooda Marooko si ey u soo bandhigto tartan guul leh. Waxa uu ballan qaaday in CAF ey si buuxda ula shaqaynayso mas'uuliyiinta dalka Marooko iyo muwaadiniinta si loo hubiyo waxa uu ku tilmaamay iney noqon doonaan "CAF ugu guulaha badan taariikhda." Tartanka, oo loo qorsheeyay inuu socdo marka laga bilaabo December 21, 2025, ilaa Janaayo 18, 2026, ayaa waxaa ka qayb qaadan doona ilaa 24 Xul Qaran oo ku tartami doona garoomo badan. Tani waxay ka dhigan tahay markii labaad uu dalka Marooko ey martigeliso horyaalnimada Qaaradda Afrika, ka dib markii ey martigelisay tartankii dhacay sannadkii 1988-kii kaaso ey ka qaybgaleen siddeed waddan oo keliya.

XIGASHO-MEDAFRICA TIMES.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO BEENISAY INEY HESHIIS QARSOODI AH LA GASHAY DALKA SWEDEN.

Next
Next

TAALO XUSUUS AH OO LAGA DHISAY HALKII LAGU DILAY CAAQIL CUMAR.