WASIIRAD AL-MAKHZUUMI OO XEEBTA LIIDO QADO SHARAF UGU SAMEEYSAY RAMLA.
(SAWIRKA)-XAFLAD LOO SAMEEYEY RAMLA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed AL-Makhzuumi, ayaa magaalada Muqdisho qado sharaf soo dhaweyn ah waxa ey ugu sameysay Feeryahannada Soomaaliyeed ee Caalamiga ah, Ramla Ali, oo maalmahan ku sugneyd caasimadda dalkaSoomaaliya ee Muqdisho. Qado sharaftan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, Dhalinyaro caan ka ah Baraha Bulshada, bahda Cayaaraha iyo marti sharaf kale. Kulanka waxaa lagu qabtay Xeebta Liido, magaalada Muqdisho. Ka qeybgalayaasha munaasabadda ayaa uga mahad celiyay Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka marti-qaadka iyo soo dhaweynta ey u sameysay Ramla Ali, iyagoo si wadajir ah u muujiyay farxadda ey ku qabaan in dalkooda hooyo lagu soo dhaweeyo Feeryahanad Soomaaliyeed oo dhiiggeeda iyo kartideeda u hurta Qarankeeda. Ramla Ali, oo munaasabadda ka hadashay, ayaa uga mahad celisay Wasiir Khadiija Maxamed AL-Makhzuumi soo dhaweynta qaaliga ah iyo kaalinta muhiimka ah oo ey ka qaadatay booqashadeeda Soomaaliya. Waxay sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay maamuuska iyo soo dhaweynta ey ka heshay dalkii ey kasoo jeeday. Dhankeeda, Wasiir Khadiija ayaa uga mahad celisay dhammaan dhinacyadii ka qeyb galay qado sharafta, iyadoo tilmaantay in dhiirranaanta iyo guulaha caalamiga ah oo ey gaartay Ramla Ali ey tusaale wanaagsan u yihiin kartida, dadaalka iyo adkeysiga Haweenka Soomaaliyeed. Feeryahanad Ramla Siciid Axmed Cali, waa 36-jir ku dhalatay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho Taariikhdu markeey ahayd 16/9/1989-kii, Ramla ayaa haysata dhalashada dalka Ingiriiska, waane Xaas oo waxa ey dhaxdaa Richard Moore, lama sheegin wax caruur ah ey Ramla leedahay iyo iney weli la nooshahaya Ricahd,dhinaca kalane,Moore ayaan la xusin inuu Islaamay iyo in kale.
ISHA-SNTV.