RW-XAMSE OO BOOQDAY GAROONKA ADEN CADDE KUNA SOO..

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO WASIIR FARTAAG.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ku tagay Xarunta Dhexe ee Hey’adda. Ra’iisul Wasaare Xamsa waxaa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga iyo Maamulka Hay’adda kuwaasi oo sharaxay adeegyada Socdaalka, bixinta Baasaboorada, adeegga E-Visa ee dhowaan la soo kordhiyey iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee lagu maamulo xogta muwaadiniinta. Raysal Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha dadaalka joogtada ah oo ey u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Hay’addani leedahay ahmiyad gaar ah, maadaama ey tahay iridda laga soo galo loogana baxo dalkeenna, isla markaana ka tarjumaysa Sumcadda iyo Haybadda Qaranka. “Shaqo weyn iyo masuuliyad culus ayaad dalka u haysaan, Dhaqaalaha, Amniga, fududeynta Socdaalka iyo ilaalinta Xuduudaha, dhammaantood waa howlaha aad masuulka ka tihiin. Waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad bulshada ugu adeegtaan si hufan oo daahfuran.” ayuu yiri Rausal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Dhinaca kale,Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqday Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda, gaar ahaan Reysal Wasaaraha ayaa booqday qeybta Duulimaadyadda Gudaha waxa uuna halkaasi ku soo arkay Mashino ey ahayd in goor hore laga saaro Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde,waxa uune Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre amray Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md.Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux iyo Ku-Xigeenkiisa Xildhibaan Jeego in Mashinadaasi laga saaro Garoonka lana bedelo muddo dhan laba Todobaad.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MADAWEYNE SAXAN SHEEKH OO WAREYSI SIIYEY TV-GA AL-CARABIYA.

Next
Next

WASIIRAD AL-MAKHZUUMI OO XEEBTA LIIDO QADO SHARAF UGU SAMEEYSAY RAMLA.