MADAWEYNE SAXAN SHEEKH OO WAREYSI SIIYEY TV-GA AL-CARABIYA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO WARIYE MALAAK ALBAKAARI.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Tv-ga AL-Carabiya uu waraysi culus oo gaar ah uu Madaxtooyadda Soomaaliya kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waraysiga ayaa waxaa qaaday Gabar wariye ah lana yiraahdo MALAAK AL-BAKAARI. Madaxweynaha ayaa waxaa laga wareystay arrimo aad fara badan eyna ka mid tahay arrinta la xiriirta Furitaanka Biya Xireenka Itoobiya ee muran ba’an uu ka taagan yahay Madaxweynuhuna uu ka qeybgalay, dagaalka Alshabaab, Doorashooyinka soo socdo, khilaafka kala dhexeeeyo dawlad Goboleedyadda Puntland iyo Jubaland. Hadaba aan idiin guda galo wareysiga hadba intii suurtagal ah,Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Mashruuca Biya Xireenka Itoobiya uu yahay mid weyn oo saameyn doono gobolka oo dhan,waxa uuna carabka ku adkeeyey in xiriirka Soomaaliya ey la leedahay Itoobiya uusan saameyn ku yeelan doonin wada shaqeynta ka dhexeysa Soomaaliya iyo Masar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawladda Masar ey Soomaaliya ka taageerto dhanka Saadka Ciidamadda iyo tababaradda,dhanka xiisadda Gobolka ka taagan,Madaxweyne Xasan waxa uu meesha ka saaray Suurtagalnimada dagaal dhexmara dalalka Eritereeya iyo Itoobiya,isagoo ku sifeeyey wararka la isla dhexmaraayo iney yihiin kuwa aan sal lahayn,sidaoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in xiriirka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Sacuudiga uu yahay mid taariikhi ah oo soo taxnaay qarniyo badan,waxa uuna Madaxweyne Xasan Sheekh xusay in Soomaaliya ey aad u daneyneyso Horumarinta iskaashiga Istaraatiijiyadeed. Mar uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlaayey dawlad Goboleedyadda Puntland iyo Jubaland waxa uu xusay iney suurtagal tahay in wada hadal dhaco ka hor inta aan la gaarin Doorashada soo socoto 2026-ka,balse ma uusan xusin goorta iyo goobta laga yaabo iney ku kulmaan isaga iyo Hogaamiyeyaasha Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), balse waxaa jira warar aan la xaqiijin karin oo sheegaayo in Dawladda Imaaraatka Carabta Midoobe ey wado dadaal ey ku dooneyso iney meel isugu keento Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaane waqtigaan la joogo magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka ku sugan Hogaamiyeyaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe, inkastoo aan wax war ah laga heyn iney kulmeen iyo in kale.

SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

50-TAHRIIBAYAAL SUUDAANIYIIN AH OO KU DHINTAY XEEBAHA LIIBIYA.

Next
Next

RW-XAMSE OO BOOQDAY GAROONKA ADEN CADDE KUNA SOO..