MINNESOTA OO LA SOO JEEDIYEY SHARCI CUSUB OO XAKAMEYNAAYO HUBKA.

(SAWIRKA)-SENATOR ZAYNAB.

(MINNESOTA)-Senator Zaynab Mohamed oo ah Soomaali lagana soo doorto degmadda 63-aad ee magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa maanta soo bandhigtay Qoraalka Sharci Xakamaynaya Qoryaha iyo hubka qaar. Senator Zaynab ayaa qoraalka sharciga ey rabto in laga hirgeliyo Gobolka Minnesota u soo bandhigtay Gudi qaabilsan ka hortaga dilalka loo adeegsado Qoryaha iyo hubka halista ah. Bishii hore ayaa caruur yar-yar oo arday ah lagu toogtay magaaladda Minneapolis iyaga oo Iskuulka jooga. Maanta oo u dambeysay, saacado ka hor ayaa shan qof lagu toogtay Minneapolis. Waxaa goobta sharciga lagu soo bandhigay ka hadlay waalid iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Gobolka Minnesota oo dad laga dilay, iyadda oo la isticmaalyo qoryaha iyo hubka sharcigan in lagu xakameeyo la rabo. Guud ahaan isticmaalka hubka iyo qoryaha halis ah ayaa faro kulul ku haya dalka Mareykanka. Dilka qoryaha loo isticmaalo ayaa sidoo kale ku soo badanaya Minnesota. Sharcigan cusub oo ey soo bandhigtay Senator Zeynab ayaa ku qasban inuu soo maro Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Gobolka Minnesota, haddii la ansixiyo wuxuu noqon doonaa sharci ey ku haminayaa dad badan oo ku dhaqan Gobolka Minnesota. Gobolkaan ayaa ah Gobolka ey degan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka, waxaane Gobolkaan aafeeyey Maandooriyaha iyo hubka sharci daradda ah ey isticmaalaan dhallinyaro da’ayar ah eyna qeyb ka yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee degan Goblka. Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa si ba’an waxa ey uga cawdaan dhibaatadda Daroogada iyo hubka sharci daradda ah ee galay gacmaha dhallinyarada,hayadaha amniga ayaa iyagana dadaal adag ugu jira sidii ey uga hortegi lahaayeen dhubaatadaan ka jirta magaalooyinka Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

XIGASHO-TUSMO TIMES.


Previous
Previous

WASIIRAD AL-MAKHZUUMI OO XEEBTA LIIDO QADO SHARAF UGU SAMEEYSAY RAMLA.

Next
Next

TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADDA MINNEAPOLIS EE DALKA MARAYKANKA.