WASIIRAD AL-MAKHZUUMI OO XAFIISKEEDA KU QAABISHAY MADAXA UNICEF.
(SAWIRKA)-WASIIRAD AL-MAKHZUUMIIYO MADAX UNICEF.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyon caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed AL-Makhzuumi, ey maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday Hay’ada UNICEF, oo ey hoggaaminaysay Madaxa Hay’adaha u qaabilsan dalka Soomaaliya, Ms Sandra Lattouf. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo Hay’ada UNICEF, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta Xuquuqda Carruurta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageeridda barnaamijyada muhiimka ah ee wax ka taraya bulshada Soomaaliyeed. Intii uu socday kulanka, Wakiilka UNICEF ayaa muujisay sida Hay’addu uga go’an tahay taageeridda himilada iyo qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha mudnaanta u leh qorshaha horumarinta ee Wasaaradda, si loo gaaro natiijooyin waxtar leh oo la taaban karo. Wasiir Amb Khadija Mohamed AL-Makhzuumi ayaa uga mahad celisay Hay’ada UNICEF Shaqada wanaagsan oo ey la garab taagan yihiin bulshada inteeda nugul, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ey leedahay iskaashi miro dhal ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo Horumarinta Xuquuqda Caruurta.
ISHA-SNTV.