MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA ADDIS ABABA.

(SAWIRKA)-SHIRKA ADDIS ABABA.

(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada. Madaxweynaha ayaa dul istaagay tallaabooyinka ey dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada kuwaasoo ey ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC oo kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada. “Soomaaliya door yar ayey ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda. Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taasoo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah ee lagaga hortagayo isbeddelka cimilada iyo in shirkan ey ka soo baxaan tallaabooyin dhaxalgal ah oo heer qaaradeed ah. Dhinaca kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Shirweynaha 2aad ee Cimilada Afrika ayaa kulan doceedyo la qaatay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxwayynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto. Madaxweynaha ayaa kulammadan uu la qaatay Hoggaamiyeyaasha Gobolka waxa uu kala hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Xoojinta Nabadda iyo adkaynta xiriirka labo geesoodka ah.

ISHA-SNTV.




Previous
Previous

WASIIRAD AL-MAKHZUUMI OO XAFIISKEEDA KU QAABISHAY MADAXA UNICEF.

Next
Next

RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA CUSUB EE MIDAWGA YURUB.