RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA CUSUB EE MIDAWGA YURUB.

(SAWIRKA)-XAFIISKA REYSAL WASAARAHA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caaSimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro, labada masuul waxa ey ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Raysal Wasaaraha oo u hambalyeeyey danjiraha cusub, ayaa xusay muhiimadda ey leedahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada, Nabadda, Horumarka iyo Dib-u-dhiska dalka. Dhankeeda, Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran oo ey ku qaabileen, ayaa xustay iney sii xoojin doonto iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo Qorsheyaasha mudnaanta u leh labada dhinac. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxa Arbacadii ina dhaaftay Warqadaha aqoonsiga ee Danjirenimo uu Xafiiskiisa kaga Gudoomay Dajire Di Mauro.

ISHA-ANTV.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA ADDIS ABABA.

Next
Next

DANJIRAHA ITOOBIYA U FADHIYA SOOMAALIYA OO U GEFAY URURKA JAAMICADDA CARABTA.