DANJIRAHA ITOOBIYA U FADHIYA SOOMAALIYA OO U GEFAY URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(SAWIRKA)-DANJIRAHA ITOOBIYA Mr.DEDEFO.
(MUQDISHO)-Marka laga hadlaayo arrimaha u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya waa in marka hore la fiiriya xaaladaha Amni iyo Siyaasadeed ee labadaas dal ka dibne loo soo laabtaa waxyaabaha maanta taagan. Horaantii sannadkii tegay 2024-kii Itoobiya waxa ey heshiis is afgarad la gashay Jamhuuriyadda la magac baxday Soomaaliland oo ah Gobol ka mid ah Goboladda dalka Soomaaliya balse iskiis ugu dhawaaqay inuu ka madaxbanaan yahay dalka Soomaaliya. Dhibkii ka dhashay arrintaan ayaa waxaa la gaaray heshiis dhexmara labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya kaaso garwadeen ey ka ahayd dawladda Turkiga,heshiiska ayaa lagu gaaray caasimadda dalka Turkiga ee Ankara taarikhdu markey ahayd Disembar-2024-kii, heshiiskaan ayaa dhigaayo iney labada dhinac dhawraan Madax banaanidda Dhuleed ee labada dal. Xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bilaabay inuu soo hagaago,waxayna dawladda Itoobiya Soomaaliya u soo dirtay Safiir cusub laguna nagacaabo Suleymaan Dedefo Wosha, safiirkaan ayaa baraha bulshada si aan gambasho leheyn uga taageeri jiray Gooni isu taaga Soomaaliland,waxa uuna bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda uga sifoobay mid neceb midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Danjire Dedefo oo waraysi Tv-ga Universal ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa dacaska la kormay Ciidamadda dalka Masar ee dhawaan la qorheynaayo iney dalka yimaadiin,waxa uuna ku tilmaamay ineysan wax khibrad ah u leheyn Nabad Ilaalinta marka loo fiiriyo ciidamadda Itoobiya. Danjire Dedefo, kuma siman inuu wax ka sheego ciidamada Masar ee qeybta ka ah hawlagalka Nabadda iyo Xasillinta ee AUSSOM balse hadda waxa uu u tilaabsaday inuu afkiisa la galo URURKA JAAMICADDA CARABTA ey Soomaaliya Xubinta ka tahay, waxa uuna bartiisa X soo dhigay Qoraal u qornaay sidaan: Ururka Jaamicadda Carabta oo ah Hayadda heer Gobol ah oo fadhigeedu yahay magaaladda Qaahira,ayaa dhawaan shir ey isugu yimaadeen waxa ey soo saareen bayaan si adag aan uga carooday, waxayn dalbanayaan inaan wax tilaabo ah laga qaadin isticmaalka biyaha,iyagoo u muuqday kuwa aad uga naxay in biya xireenka GRAND RENAISSANCE DAM(GERD) uu si guul ah ku soo dammaaday, isla markaane uu diyaar u yahay daahfurkiisa,iyadoo aan la gaarin heshiis dhaqan gal ah oo ku saabsan isticmaalka biyaha. Ma cadda sababta dhabta ah ee Ururka Jaamicadda Carabta uu muddo seddex iyo tobana sanno ah ogaaday in biya xireenka dhismihiisa la dhisaayo ay bayaan kaan u soo saareen maalintii la furaayey xilli uu gabgabo ku dhaw yahay. Lama dafiri karo in kheyraadka biyaha ey leedahay Itoobiya, Itoobiya wax muran ah kama qabto marka biyaha ey ka gudbaan xuduudeeda eyna noqdaan kheyraadk dalka Masar. Sida wadamadda dooxada sare iyo kuwa hoose midna ugu baahney ogolaanshiyo,Itoobiya cidna ugama baahna ogolaanshiyo isticmaalka biyaheeda,sidoo kale,Itoobiya cidna ugama baahna ogolaanshiyo iney ka faa’iideysan karto kheyraadka si ey u horumarto. Aragtida ah in badbaadada Masar ey ku xiran tahay biyaha Wabiga NIIL oo kaliyah ayaa ah mid aan sal iyo raad toona lahayn, Masar waa iney kala tashataa Saynisyahanadeeda biyaha mugga biyaha ka imaan karo badeeda dhulka hoostiisa ah iyo faa’iidooyinka ey ka helaan biya xireenka korontada dhaliya ee laga dhisay dalka Itoobiya. Sida jiilkan uu nasiib ugu yeesho inuu rumeeyo riyooyinkii madax badan oo hore,jiilalka mustaqbaka waxay sidoo kale sii wadi doonaan dhisida biyo xireeno dib cusubooneysiin dheeraad ah. Masaaridu waa iney si buuxdo u fahantaa oo ey aqbalaan in Itoobiya ey dhisi doonto biya xireeno badan oo dib u soo nooleyn ah,taaso ah xuquuqda madax banaanideeyna. Siyaasiyiinta Masar waa iney garwaaqsadaan in rabitaan joojinta dhismaha biya Xireenka ey tahay mid aan la qbali kareyn, dadaaladuna ey yihiin kuwa aan faa’iido lahayn. Madaxda dalka Masar waa iney garwaaqsadaan khiyaaligooda weligood ey wadeen inuu yahay khalkhalgelinta Itoobiya balse uusan guuleysan doonin, waane iney dib ugu soo laabtaan iskaashiga waxtarka u leh shucuubta labada dal. Jaamicadda Carabtu runtii ma Jaaimcadda Carabtaa mase waa Jaamicadda fulinta Siyaasadda Itoobiya ka dhanka ah? Maxaysa ugu hadli la’adahay arrimha dalalka xubnaha ka ah ee ku jira geedi socodkii fashilmay amaba horay u fashilmay oo ey dadkooda la il darran yihiin amni darro,xasilloni darro,barakac iyo gaajo ey sababeen dagaaladda? Maxaa keenay in Jaamicada Carabtu ey arrintaan ku saabsan ka faa’iideysiga biyha Itoobiya ka dhigaan ajande weligeed ah,iyada oo ey jiraan arrimo badan ey Hayaddu wax ka qabaneyso? Maxaa sharci ah ama damiir ah oo ey Jaamicada Carabtu u leedahay iney Itoobiya ugu hanjabto Masar oo ey u sheegto Itoobiya iney codsato ogolaansho ey ku isticmaasho kheyraadkeeda? Jaamicadda Carabta ayaa si xun isu qaawisay muujisayne ineysan metelin dalalka kale ee xubnaha ka ah.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.