PUNTLAND OO BILAWDAY INEY DHIIGMIIRATO SHACABKEEDA QURBA JOOGA AH.

(SAWIRKA)-CADEYNTII LAGA QAADAY KEYNAAN.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawalda Goboleedka Puntlanda ayaa sheegaayo in Rakaabkii maalmihii dhowaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Garoowe ey ku qasbanaadeen iney laba jeer bixiyaan lacagta Fiisaha, ka dib markii ey Dawlad Goboleedka Puntland diiday iney aqbasho nidaamka cusub ee Fiisaha Elektarooniga ah (e-visa) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sabtidii la soo dhaafay dad Soomaaliyeed oo sitay Baasabooro Shisheeye oo horey online-ka uga soo qaatay Fiisaha Elektarooniga ah ee rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo qiimihiisu yahay $64, ayaa loo sheegay iney qasab ku tahay iney iibsadaan Fiiso kale oo gaar ah oo ey bixiso Dawlad Goboleedka Puntland, taasoo ku kacaysa lacag dhan $60. Saraakiisha Socdaalka ayaa diiday iney sharciyeeyaan Dukumeentiga Federaalka, taasoo dadkii safarka ahaa ku kaliftay iney mar kale safaf dhaadheer u galaan dal ku gal kale, waxayna arrintaasi dhalisay caro ka dhex dhalatay dadkii lagu qasbay iney jeebkooda mar kale lacag ka bixiyaan. Mid ka mid ah dadkaas, laguna magacaabo Maxamed Keynaan, ayaa ku tilmaamay falkaas mid ah “dhiig-miirasho” iyo mid Dastuurka ka hor imanaya. “Markii aan Garoowe ka degay, Laanta Socdaalka waxay iga dalbatay $60 kale. Safaf dhaadheer oo rakaab ah, oo wareersan oo caraysan, ayaa lagu qasbay iney laba jeer lacag bixiyaan,” ayuu yiri. Tallaabada Puntland ayaa lagu tilmaamay dhiig-miirasho. Si kastaba, xudunta khilaafkan ayaa salka ku haysa isku dhac awoodeed, iyadoo mowqifka Puntland uu abuuray laba nidaam oo iska soo horjeeda, mid Qaran iyo mid Gobol. Su’aashu waxa ey tahay arrintaan haddii ey sii socoto maxaa ka dhallan kara?

XIGASHO-CAASIMADDA.


Next
Next

ITOOBIYA OO SHEEGATAY INEY ISKA LEEDAHAY DEKEDDA CASAB.