ITOOBIYA OO SHEEGATAY INEY ISKA LEEDAHAY DEKEDDA CASAB.
(SAWIRKA)-RW-ABIY AXMED.
(ADDIS ABABA)-Rayasal Wasaare Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay doodda Qaran ee baadi-goobka muddada dheer ey Itoobiya ku doonaysay iney si toos ah u gasho Badda Cas, isagoo ku sheegay Wareysi uu siiyay Telefishinka in “khaladkii dhacay 30 sano ka hor berri layaa la sixi doono”. Abiy Axmed oo ka barbar hadlaayay La-taliyihiisa Arrimaha Bulshada mar ey ka wada hadlayeen dhammaystirka Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), waxa uu barbar-dhigay halgankii qarniyada ee Itoobiya ey ku doonaysay webiga Niil iyo heerka uu maanta marayo oo ah dal aan bad lahayn. “Badda Cas waxay gacanteenna ku jirtay 30 sano ka hor, taariikhdaasi waxay ahayd khalad shalay dhacay, berrina waa la sixi doonaa, ma aha wax adag,” ayuu yiri.
JAHWAREERKA JIRA EE AH QARAN AAN BAD LAHAYN:
Itoobiya ayaa noqotay dalka ugu weyn Qaaradda Afrika markii ey xornimada qaadatay Eritrea sannadkii 1993-kii, kala go’aasi wuxuu gooyay marinkii Itoobiya ee Badda Cas, oo ey ku jirto Dekedda Casab oo mar istaraatiiji ah lahayd, taasoo ku khasabtay waddanku inuu si weyn ugu tiirsanaado Jabuuti oo dhan Ganacsigiisa wax soo dejinta iyo dhoofinta. Raysal Wasaare Abiy ayaa ku dooday in dadka Itoobiya oo sii kordhaya iyo hamiga dhaqaale ey arrintan ka dhigayaan mid deg deg ah. "Waan aamusnay muddo tobanaan sano ah, laakiin ka sii ahaanshiyaha maxbuuska dalka ma ahan mid sii jiri kara, tani ma aha wax lagu faano - waxay noqotay arrin jirta," ayuu yiri, isagoo hoosta ka xariiqay in helitaanka Dekeddu ey hadda tahay arrin Badbaado Qaran ah.
XIISADDA SII KORDHEYSA EE ERITEREEYA:
Hadalka Raysal Wasaaraha ayaan u cuntamin Asmara. Saraakiisha Eritereeya ayaa u arka ku adkaysiga Addis Ababa ee ah in lagu saxayo arrinta Badda Cas mid daahsoon oo caqabad ku ah Madax-Banaanidooda. Xiriirka labada dal ee deriska ah oo horeba u xumaaday ka dib markii uu burburay heshiiskii nabadeed ee Itoobiya ey la gashay Eritereeya ayaa sii xumaaday iyada oo ey sii kordhayso iskaashiga Eritereeya ey la leedahay Masar, oo ey isku hayaan Itoobiya khilaafka GERD. Horaantii sanadkan, Abiy wuxuu u sheegay baarlamaanka Itoobiya in sugidda marinka Dekedaha lagu raadin doono "iyadoo ku saleysan faa'iidada labada dhinac, isticmaalka guud, iyo mabaadi'da suuqa," isagoo ku adkeystay "aan loo baahnayn dagaal." Eritereeya, si kastaba ha ahaatee, waxay Itoobiya ku eedaysay dagaal, iyadoo Madaxweyne Isaias Afwerki uu ka digay in xoogagga ka baxsan juqraafiga ah ey saameyn ku yeelan karaan mowqifka Addis Ababa.
CIIDANKA IYO MURANKA SHARCIGA:
Sareeya Gaas Teshome Gemechu, oo ah Agaasimaha Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya, ayaa ka dhawaajiyay qaabaynta Abiy. Wareysi uu siiyay Prime Media ayuu ku sheegay afar sababood oo ugu waaweyn ee ka dambeeya in Itoobiya ey dabada ka riixeyso marin badeed:
Xidhiidhka Taariikhiga ah – Jeneraalku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Badda Cas, gaar ahaan Casab, ey taariikh ahaan lahayd Itoobiya. "Markaan niraahno xiriir taariikhi ah ayaa naga dhexeeya, baddan ayaa nala jirtay, Casab waxay ahayd iskeed u madaxbannaan," ayuu yiri.
Qaanuunka Caalamiga ah – Juqraafi ahaan Itoobiya u dhowdahay Badda Cas, ayuu ku dooday, iney siinayso mawqif sharci ah. "Ka fogaanshaha badda cas ayaa caddayn u ah sharciga caalamiga ah ee taageeraya sheegashada Itoobiya."
Amniga Qaranka – Teshome ayaa ka digay in la’aanteed marin badeed, ey Itoobiya weli u nugushahay khataraha laga soo bilaabo dhul-badeedka. "Waxaan u baahanahay albaab badeed si aan uga difaacno magaalooyinkeena iyo xitaa caasimadeena khataraha ku saleysan biyaha," ayuu xusay.
Muhiimadda Jiritaanka – Ugu dambayntii, waxa uu ku tilmaamay marin-u-helidda dekeddu mid muhiim u ah jiritaanka Itoobiya. "Tani maaha mid ku saabsan sharaf, jiritaanku waa dano qaran oo u baahan in la bixiyo qiimo kasta," ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay door bidayso diblomaasiyadda balse aysan iska indho-tiri doonin arrimaha ammaanka.
KHILAAFKA CASAB:
Jeneraalku waxa kale oo uu su’aal galiyey sharci ahaanshaha lahaanshaha Eritereeya ee Casab, isagoo ku andacoonaya in dawladdii ku meel gaarka ahayd ee Itoobiya ee horraantii Sagaashamaadkii aanay awood u lahayn iney ka baxdo. "Dawlad ku-meel-gaar ah oo aan shacabku soo dooran ma aysan haysan wax xil ah oo ey ku wareejinayso albaabka badda," ayuu yiri.
XIGASHO-ADDIS INSIGHT.