WASIIR AXMED FIQI OO XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA XAFIISKA CIVIC.

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO MASUULIYIIN.

(MUQDISHO)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa si wadajir ah kulan ula yeeshay Agaasimaha Hay’adda CIVIC, Mudane Axmed Ibraahim. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhammaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka iyo Qaab-dhismeedka Hawleed, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo rayidka, lagu xoojinayo isla xisaabtanka, isla markaana lagu horumarinayo hawlgalada Amni-xaqiijinta iyada oo la dhowrayo xuquuqda bulshada rayidka ah. Marka la dhammaystiro Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka, waxay noqon doontaa hagaha hay’adaha amniga si ey ilaalinta rayidka ugu daraan siyaasadaha, qorshayaasha iyo howlgalada la fulinayo. Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Gudaha ee Aljeeriya intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Afrika. Sidoo kale,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Xeer-nidaaminta Suuqa Qaranka ee Aljeeriya, Mudane Dhayibib Zitoni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Afrika (4–10 September 2025). Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furitaanka fursado cusub oo Ganacsi iyo maalgelin ah. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen muhiimadda ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, wadaagista khibradaha, iyo kobcinta is-weydaarsiga Ganacsiga si loo adkeeyo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya. Isagoo weli ku sugan dalka Aljeeriya ayuu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood uu maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Dhiirrigelinta Dhoofinta ee Aljeeriya, Prof. Kamel Raziiqi. Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii labada dowladood ey isaga kaashan lahayeeyn xiriir Ganacsi iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Aljeeriya, Waxaana laysku afgartay in dhawaan la gaaro heshiisyo Ganacsi oo labada dal ey yeeshaan. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Beeraha, Horumarinta Reer miyiga, iyo Kalluumaysiga ee wadanka Aljeeriya, Mudane Youcef Cherfa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga, maalgashiga, iyo inay iska kaashadan labada dhinac fursadaha Maalgashi ee ka jira labada dowladood.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

WASIIR XASAN MACALLIN MAXAMUD OO SHIR KAGA QEYBGALAY KAMBAALA.

Next
Next

WASIIRAD AL-MAKHZUUMI OO XAFIISKEEDA KU QAABISHAY MADAXA UNICEF.