WASIIR XASAN MACALLIN MAXAMUD OO SHIR KAGA QEYBGALAY KAMBAALA.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA EE KAMPALA.

(KAMPALA/UGANDA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yugaandha ee Kambaala ayaa sheegaayo in Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, uu maanta ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirweynaha sanadlaha 63-aad ee Ururka La-talinta Sharciga ee Afrika iyo Aasiya (AALCO), kaasoo ka furmay magaalada caasimadda ah ee Kampala ee dalka Uganda. Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo matalaya Soomaaliya waxaa shirka ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ugandha, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare,Shirku waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah. Inta uu socdo shirka, waxaa lagu falanqeynayaa arrimo dhowr ah oo la xiriira sharciga caalamiga ah, oo ey ka mid yihiin: shaqada Guddiga Sharciga Caalamiga ah, sharciga badaha, deegaanka iyo horumar waara, sharciga caalamiga ah ee dhijitaalka (cyberspace), arrimaha sharci ee hawada sare, xaaladda qaxootiga iyo daryeelkooda, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah. Shirkan ayaa ah madal muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga sharci iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Afrika iyo Aasiya, iyadoo Soomaaliya ey kaalin muuqata ku leedahay doodaha iyo go’aannada muhiimka ah ee la xiriira arrimaha sharciga caalamiga ah. Shirka Kampala ayaa waxaa ka qeybgelaayo ilaa 47-dal oo xubno ka ah AALCO,kuwaaso kal kala yimid Qaaradaha Afrika iyo Aasiya,shirkii kan ka horeeyey ayaa waxaa lagu qan=btay dalka Thailand sannadkii hore ee 2024-kii. AALCO ayaa la aasaasay sannadkii 1955-kii,xaruntiisana waa caasimadda Delhi ee dalka Hindiya, AALCO ayaa leh lix xarumo Garqaadideed kuwaaso ku kala yaalo”Qaahira(Masa), Kuala Lumpur(Maleesiya), Lagos(Nijeeriya), Tehran(Iran), Nayroobi(Kenya) iyo Hong Kong(Shiinaha).

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

ITOOBIYA OO XABSIGA DHIGTAY 76-EEDEYSANE OO 45-YIHIIN AJNABI.

Next
Next

WASIIR AXMED FIQI OO XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA XAFIISKA CIVIC.