ITOOBIYA OO XABSIGA DHIGTAY 76-EEDEYSANE OO 45-YIHIIN AJNABI.

(SAWIRKA)-EEDEYSANAYAAL.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in 76-qof oo ey ku jiraan dad Ajaanib ah ayaa lagu soo qabtay dahab, lacag iyo hub ka Ganacsiga ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 76 qof oo kala ah 45 Ajaanib ah iyo 31 Itoobiyaan ah, kuwaas oo lagu tuhmayo iney ku lug leeyihiin ka Ganacsiga Dahabka, Lacagta iyo Hubka ee laga Ganacsado Gobolada dalka. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo la soo gaadhsiiyay warbaahinta dawladda, Eedaysanayaasha ayaa lagu soo qabtay hawlgallo laga sameeyay magaalooyinka Addis Ababa, Benishangul-Gumuz, Gambella, Oromia, Amhara, Sidama, iyo Koonfur-galbeed ee Itoobiya. Ciidamadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda (NISS) waxa ey sheegeen in Eedaysanayaashan ey ku hawlanaayeen fal-dambiyeedyo ey ka mid yihiin soo saarista sharci darrada ah, Qarinta, iyo ka Ganacsiga dahabka, sidoo kalena ey ka Ganacsadaan lacagaha Birta Itoobiya, lacago kale oo qalaad iyo hub kala duwan. Warku wuxuu intaa ku daray in baaritaanno la sameeyay intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay in ka badan 7 Kg oo Dahab ah iyo waxyaabaha la isku Qurxiyo, Dahab dhalaalista iyo qalabka lagu miisaamo, aaladaha GPS-ka iyo Kiimikooyinka lagu dhaqo. Waxa kale oo ey dawladdu la wareegtay lacag dhan 19,707,465 Birr Itoobiya ah, 285,797 Doolarka Maraykanka ah, 207,910 Yuuro ah, 4,075 Liiraha Turkiga ah, 16 Dirham Imaaraati ah, lacag kale oo lacag qalaad ah, iyo noocyada kala duwan ee hubka. NISS waxa ey ku tilmaantay shabakada dambiilayaasha in ey si bareer ah isku dayayaan in ey carqaladeeyaan isbedelada dhaqaalaha yar yar, kicinta sicir bararka, abuurista cadaadis bulshada, khalkhal galiyaan hab-nololeedyada, khatarna ku ah dhaqaalaha dalka. NISS ayaa sheegtay in howlgalladeedu ey socdaan, waxaana ey shacabka ugu baaqeen in ey soo sheegaan haddii ey dhacaan falal sharci darro ah oo la mid ah.

XIGASHO-ADDIS STANDARD.


Next
Next

WASIIR XASAN MACALLIN MAXAMUD OO SHIR KAGA QEYBGALAY KAMBAALA.