MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY FURITAANKA BIYA XIREENKA ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ey goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Madaxda dalalka Gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay mowqifka Soomaaliya oo ah in Xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka lagu wada gaari karo oo keliya caddaalad, si wadaag ah iyo ixtiraamka danaha dhammaan dalalka daneynaya ka faa’ideysiga biyo-xireenka GERD. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Ma aha in aan diidno baahiyaha midkeen, balse waa in aan helnaa hab lagu dheellitirayo baahiyaha inta kale iyadoo loo mareyna caddaalad iyo is-ixtiraam. Dalalka uu maro Wabiga NIIL, waxa ey guul ku gaari karaan oo keliya haddii aan u dhaqanno sidii bulsho mideysan oo aan dalna laga reebin horumarka, midna aan la saarin culays gooni ah.” Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyey sida ey uga go’an tahay Soomaaliya in ey si hufan ula shaqeyso dhammaan dalalka deriska iyo saaxiibada Gobolka, si loo xoojiyo in si is-faham ku saleysan lagu gaaro isticmaalka kheyraadka wadaagga ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta midnimada Gobolka iyo xoojinta iskaashi ku dhisan kalsooni, wada-jir iyo wax wada qabsi, isagoo Madaxweynuhu ku amaanay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka miradhalinta mashruucan. Madaxweynaha ayaa adkeeyay in guusha dhabta ah ee maanta la xusayo eysan ku koobneyn oo kelliya hirgelinta mashruuca biyo xireenka GERD, balse ey hoosta ka xariiqay in si guusha mashruucan ey horseedi karto horumar intan ka sii balaaran oo ey kawada faa’ideystaan dadka ku nool Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Dhinaca kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badr Cabdulcaadhi ayaa qoraal u diray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe kaaso kaga cabanaayo biyaha Wabiga Niil ey dawladda Itoobiya ka sameysatay biya xireen ey dab ka dhaliso,lama oga go’aanka kama dambeysta ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe kuna saabsan xal ka gaaridda Biyaha Niil.
ISHA-SNTV,