HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY G/SH.HOOSE.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Howlgal qorsheysan oo ey iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada caalamka uu ka dhacay deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyo Afgarasha ah oo aad u fara badan si uu isu qariyo, waxaane magacyadaasi ka mid ah (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal). Horjoogahan oo ahaa Maskaxdii ka dambaysay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta kaasoo lagu weeraray Kolonyada Madaxweynaha JFS Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud, taariikhdu markeey ahayd 18-kii Maarso 2025, ayaa galabta lagu soo afjaray Howlgal bartilmaameed ahaa oo lagu beegsaday Gaari Noah ah oo ey saarnaayeen isaga iyo dhagar-qabe kale. Horjoogaha ayaa sidoo kale ku lug lahaa Qaraxyo iyo falal kale oo amni-darro ah kuwaasoo dad shacab ah lagu dhibaateeyay, waxaana si toos ah loogu raad joogay tan iyo markii uu dhacay Qaraxii Ceel-gaabta. Hayadda NISA waxa ey soo gudbin doontaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta howlgalka iyo dhagartii Horjoogahan la khaarijiyey.
HALKAN KA AKHRISO QORAALKA NISA.
ISHA-SNTV,