MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUBA UGA QEYBGALAY SHIR…
(SAWIRKA)-MADAXDA WADAMADA GEESKA AFRIKA.
(GUBA)-Wararka laga helaayo Guba ayaa sheegaayo in Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir Shan-Geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira Maalgalinta Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo sidoo kale ey goobjoog ka ahaayeen Raysal Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka Amniga iyo Xasilinta Gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ey muhiim u yihiin adkaynta guulaha laga gaaray ka hortagga halista Kooxaha Khawaarijta ah,sida Daacish iyo AL-Qaacidda. Hawlgalka AUSSOM ayaa waxaa heysto caqabado ey ugu horeyso tan dhaqaale ahne mida ugu adag ee hadda taagan,waayo dalka Maraykanka oo ah kaalmeeyaha ugu tunka weyn beesha caalamka ayaan weli bixin dhaqaalihii looga fadhiyey,isagoo u sababeeyey inuu jiro Musuq-maasuq baahsan oo ka jira dhinaca Ururka Midawga Afrika.
ISHA-SNTV.