GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO LA KULMAY SAFIIRKA QADAR.
(SAWIRKA)-ADEN MADOOBE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem AL-Nucaymi. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wada-shaqeynta ku dhisan walaaltinimada iyo dan-wadaagga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si gaar ah shacabka iyo Dowladda Qatar ula wadaagay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ee ku aaddan xadgudubyadii iyo duqeymihii dhawaan ka dhacay dalka Qatar, isaga oo muujiyay tacsi, taageero iyo garab istaag buuxa oo ey dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda u hayaan walaalahooda reer Qatar. Dhankiisa, Safiirka Dowladda Qatar Dr. Abdullah Bin Salem AL-Nucaymi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka uu ku leeyahay dejinta sharciyada iyo shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka. Waxa uu xusay in Dowladda Qatar ey ka go’an tahay in ey sii xoojiso taageerada ey u fidiso Soomaaliya, isla markaana ey dardargeliso xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhexeeya. Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo dhoweeyay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga oo tilmaamay sida Dowladda Soomaaliya ugu faraxsan tahay in la sii ballaariyo xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal. Ugu dambeyntiina, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Qatar iyo shacabka reer Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ey mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.
ISHA-SNTV.