GUD.MUUNGAAB OO XARIGA KA JARAY WADDO CUSUB.
(SAWIRKA)-GUD.MUUNGAAB.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga labaad ee dhismaha waddada Daarusalaam oo si casri ah loo dhisay. Wadadan oo dhererkoodu gaarayo ilaa 4km (Afar Kiilo Mitir), ayaa muhiim u noqon doonta isku xirka xaafadaha cusub iyo fududeynta isu-socodka bulshada caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa sheegay in mashaariicda noocan oo kale ah ey qayb muhiim ah ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habaynta magaalada iyo kor-u-qaadista adeegyada bulshada. Dr. Muungaab ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doono dadaallada horumarineed, si loo xaqiijiyo in caasimaddu hesho adeegyo casri ah oo u qalma shacabka Muqdisho, waxa uuna u mahadceliyay Bangiga Salam Somali Bank iyo shirkadda dhistay ee Buruuj oo kaalin muuqata ku leh Mashruucaan. Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyayaasha degmooyinka Daarusalaam iyo Yaaqshiid, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.
ISHA-BANADIR-TV