SAACID IYO TAABIT OO ASMARA KULA KULMAY MW-ISAYAAS.

(SAWIRKA)-ISAYAS ,SAACID IYO TAABIT.

(ASMRA/ERITREA)-Tan iyo markii ey kala jabeen Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Sanatabixinta Soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraayey warar sheegaayo iney jirto koox gacan saar wanaagsan la leh Agaasimihii hore ee Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Md.Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kooxdaan ayaa ka kooban Siyaasiyiinta kala ah Ex.Reysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ex.Madaxweyne Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed. Ex.Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha ee DFS Md.Xildhibaan Maxamed Abuukar Islaw iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaane Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Taabit Cabdi Maxamed. Masuuliyiinta ayaa dhawr todobaad ka hor waxa ey ku kulmeen dalka Turkiga waxa eyna ka hadleen qaabka ey u wajahayaan Doorashada lagu wado iney dalka ka dhacdo sannadka soo socdo 2026-ka taaso ilaa iyo hadda aan la aqoon nuuca ey noqon doonto, balse waxaa banaanka yimid in Siyaasiyiinta kulantay ey isku afgaran waayeen qaabka ey wax u qeybsan doonaan haddii Musharaxa ey wataan oo ah Saacid uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ee soo socdo, muddo ka dib, kooxda ayaa gaartay go’aan aan la shaacin waxa uu yahay waxa eyna bilaabeen iney booqasho ku kala bixiyaan dalalka deriska la ah Soomaaliya waxa eyna hadda qaarkood ku sugan yihiin Caasimadda dalka Eritereeya ee Asmara,raga soo gaaray Asmara ee aan helnay Magacyadooda ayaa kala ah Ex.Reysal Wasaare Saacid, Ex,Gudoomiye Taabid,lama oga sababta waqtigaan keentay in Siyaasiyiintaan soo gaaraan caasimadda dalka Eritereeya ee Asmara iyagoo og xaaladda Siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Eritereeya. Falaqeeyeyaasha qaarkood ayaa qaba in Siyaasiyiintaan ey Asmara u yimaadeen sidii ey taageero Siyaasadeed uga heli lahaayeen Madaxweynaha dalka Eritereeya Isayaas Afewerki,welina lama haayo war sugan oo ku saabsan heshiiska ey kooxdaan ka gaartay wixii ey isku haayeen oo ahaa cidda qaadaneysa Xilka Reysal Wasaaraha haddii Ex.Reysal Wasaare Saacid noqdo Madaxweyne.

SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

DALKA JARMALKA OO XABSIGA DHIGAY SIYAASIYIIN XAGJIR AH.

Next
Next

GUD.MUUNGAAB OO XARIGA KA JARAY WADDO CUSUB.