WASIIR MADAXA NAFURAN OO LOO DOORTAY GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS.
(MUUQAALKA)-C/QAADIR.
(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS: Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo ah Isniin kuna beegan 10/8/2026-ka la qabtay Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib markii Gudoomiyihii hore Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Aden Madoobe) uu noqday Madaxweynaha Dawlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xilkaan ayaa waxaa isu soo taagay laba tartame kalana ah: (1)-C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac). (2)-C/qaadir Cumar Macallin. Kulanka maanta ayaa waxaa fadhiyey 174-Xildhibaan si ey dhiibtaan codkooda,waxaane la sameeyey cod bixintii taasoo u dhacday si muuqata lagana daawanaayey dhammaan Telefishanada dalka oo dhan, waxaane doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka maanta ku Guuleystay Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) kaaso helay codad dhan ilaa 142-cod halka C/qaadir Cumar Macallin uu helay 30-cod kaliyah, waxaane halaabay ilaa laba cod, sdiaas darteed waxaa maanta laga bilaabo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya noqday Md.Jaamac oo horay u ahaay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Danqaran. Kulanka maanta ee Baarlamaanka laguna doortay Jaamac ayaa waxa diidanaay Xildibaano isku magacaabay iney yihiin Mucaarad kuwaaso ilaa shalay ka hadlaayey warbaahinta Madaxa banaan balse ma eysan dhicin in Doorashadii loo balansanaay maanta loo joojiyo bacdamaa ey ahaayeen kuwa tiro yar intooda badane ka soo jeeda DG Puntland iyo Jubaland iyo qaar kalo fara ku tiris ah kana soo jeeda H/shabeelle.
SB-MEDIA.