BEESHA CAALAMKA OO TAAGEERTAY HABKA SHAQO EE GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA.
(MUUQAALKA)-BEESHA CAALAMKA IYO GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan xog-isdhaafsi ah la yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka, iyadoo diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya. Kulanka waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, waxaana ka qeyb galay Komishanarrada Cabdi Cadow iyo Maxamed Amiin Xasan, iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Xuseen Nuunow Cali. Waxaa kulanka sidoo kale goobjoog ka ahaa safiirrada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Türkiye, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. Guddoomiyaha Guddiga ayaa ka warbixiyay waxqabadka iyo hawlaha doorasho ee dalka ka qabsoomay, gaar ahaan doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyo doorashooyinkii isku sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka dhacay dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorashooyinka isku sidkan ee qorshuhu yahay inay ka dhacaan Hirshabeelle. Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in geeddi-socodka qof iyo cod uu si wanaagsan uga hirgalay dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay heleen fursad ay muddo ku dhow 57 sano kaddib si toos ah ugu doortaan wakiilladooda siyaasadeed ee heerarka kala duwan. Dhinaca kale, safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod. Waxay sidoo kale caddeeyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo sidii awoodda doorashada loogu celin lahaa shacabka Soomaaliyeed. Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay Guddiga kala shaqeyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.
XIGASHO-GJ.