BOOLISKA ST.PAUL OO DHAAWACAY QOF SHACAB AH.
(MUUQAALKA)-ST.PAUL POLICE.
(ST.PAUL/MNN)-Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in qof la tuhunsan yahay lagu dhaawacay Isniintii subaxnimadii rasaas ay ku lug lahaayeen booliiska St. Paul oo ka baxsan Isbitaalka Regions. Sida laga soo xigtay Waaxda Booliska ee St. Paul, qof soo wacay 911 ayaa soo sheegay weerar guri oo ka dhacay baloogga 400 ee Temperance Street abbaare 9:15 subaxnimo Markii ay saraakiishu yimaadeen, qofka soo wacay wuxuu sheegay in qofka laga shakisan yahay uu hubeysnaa oo uu goobta ka tagay. Tuhmanaha ayaa markii dambe soo muuqday bannaanka Isbitaalka Regions oo ku yaal baloogga 200 ee Wadada 12aad ee Bariga. Booliisku waxay sheegeen in "kulanka" u dhexeeya tuhmanaha iyo booliisku uu isu beddelay rasaas, taasoo keentay in tuhmanaha uu dhaawacmo. Sida laga soo xigtay Waaxda Police-ka ee St.Paul(SPPD), tuhmanaha ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Regions. Ma jiraan saraakiil wax ku noqday. Ilaa 1:15-pm,isbitaalku waxa uu u furan yahay bukaanka sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitalka Regions. Waaxda Police-ka ee St.Paul waxa ey sheegtay iney weydiisatay xafiiska qabshada dembiyadda ee Gobolka Minnesota inuu baaro dhacdadaan oo ahayd mid si xoog ah loo adeegsaday.
XIGASHO-ABC.