MW-XASAN OO MAANTA FULIYEY BALANQAADKII UU U SAMEEYEY QOORQOOR.
(MUUQAALKA)-MW-XASAN IYO QOOR QOOR.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa saaka fulisay mid ka mid ah heshiisyadii ay hore ula gashay Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee xilka ka sii degaya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kadib markii ay siisay xubin kooxdiisa ka tirsan xil muhiim ah. Masuulka xilka loo magacaabay waa Cabdullaahi Cali Calas oo ah kaaliyaha kowaad ee Qoor-Qoor waxaana goor dhaw loo magacaabay Maamulaha Furdada Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho,waxaa xusid mudan in isla saaka xilkaan laga qaaday Cismaan cadaawe oo hayay xilka Maamulaha Furdada Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho. Inta badan si dagaalo looga fogaado oo si nabad ah xilalka la isugu baneeyo Dowlada Somalia waxay adeegsataa xeelado siyaasadeed sida in masuulka laga qaado xil Maamul Goboleed Dowladu heshiisyo siyaasadeed la gasho sida in isaga ama asxaabtiisa xilal laga siiyo Dowlada. Sidoo kale Wararka suuqa ku jira waxaa ka mid ah heshiiskii Qoor-Qoor lala galay inuu ku jiro in beeshiisabSaleebaan la siiyo xilka Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo uu hada ku fadhiyo Axmed Macalin Fiqi oo beesha Sacad ay isla yihiin Liibaan Shuluq oo Dowladu la rabto xilka Hogaamiyaha Galmudug madaama ay awood qeybsiga reeraha macquul ahayn in Sacad isku heystaan Gamudug xilks Wasiir.
XIGASHO-DAYNIILE.COM