WASIIR FIQI OO SI ADAG UGA HADLAY WIXII KA DHACAY SALDHIGA BOOLISKA WARDHIIGLEEY.

(SAWIRKA)-GAARI POLICE-KA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar ey kooxo hubeysan oo Mucaarad ah ku qaadeen Saldhig Booliis oo ku yaalla magaalada Muqdisho, falkaas oo sababay khasaare Naf iyo Maalba leh. Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si bareer ah loogu beegsaday Ciidamada Ammaanka, gaar ahaan Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo lagu burburiyay Gaadiidka Ciidanka, lana dilay lana dhaawacay Saraakiil iyo askar booliis ah oo ku jiray howlahooda shaqo. Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay dableyda fulisay weerarkaasi iney yihiin “mukharibiin”, oo uu ula jeedo kooxo si ula kac ah u weeraraya dowladnimada, loona baahan yahay in lagu eedeeyo dembiyada culus ee ka dhan ah Qaranka sida Argagixisada. “Ma jirto sabab sharci ama siyaasi ah oo lagu banneyn karo weerar lagu qaado Xarumaha Dowladda ama Ciidamada Ammaanka. Ficilladaasi waa kuwo lid ku ah Dowladnimada, Sharciga iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka. Wuxuu intaas ku daray in kooxaha falkan ka dambeeyay si deg deg ah loo baadi-goobo, sharcigana la marsiiyo, si eysan u sii xoogeysan ficillada noocan oo kale ah. Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay Hay’adaha Garsoorka iyo Laamaha baarista iney gutaan waajibaadkooda si loo xaqiijiyo Xaqsoor Buuxa, loogana hortago in falalka Amni-darrada ahi ey sii socdaan, isagoo xusay in ilaalinta Sharciga iyo Dowladnimada ey tahay mas’uuliyad wadajir ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

DUQEYN HORJOOGAYAAL LAGU DILAY OO KA DHACAY MOQOKORI.

Next
Next

MADAXDA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO U TEGAY ODAYGII LA JIRDILAY MAANTA.