MADAXDA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO U TEGAY ODAYGII LA JIRDILAY MAANTA.
(SAWIRKA)-MADAXDA BOOLISKA SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi(DIYAANO) ayaa caawa kulan la qaatay Ehelada Aabihii ey maanta jirdilka u geysteen xubno ka tirsan ciidanka Amaanka. Ehelada Aabaha dhibanaha ah ayaa Taliyaha uga mahadceliyey siduu uga Jawaabay dhacdada jirdilka ah ee ehel ahaan ey la kulmeen, waxayna aqbaleen raaligelinta ey Madaxda Sare kala kulmeen, iyagoona sheegay ineysan raali ka aheen in dhibtada soo gaartay la Siyaasadeeyo. Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cismaan Cabdullaahi(Kaniif), Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Xildhibaan Yaasiin Farey,isla kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa boqor C/laahi Geedi Shadoor oo ah Boqorka Beesha Wacaysle ee uu ka dhashay nin odayga ah ey ciidamadu jirdileen ee la yiraahdo Maxamed Siicow. Dhinaca kale, waraysi uu bixiyey shaqsi ka mid ah dadka degaan ayaa Website-ka SuuqBacaad Media u sheegay in hawsha Suuqa Siinaay ey ku lug leeyihiin Dallaaliin ka socoto Shirkada Hormuud kuwaaso uga wakiil ah iney Shirkada la wareegto Suuqa Siinaay,raga uu carabka ku dhuftay ayaa waxaa ka mkid ah:(1)-Luga dheere. (2)-C/qaadir Calasaw. (3)-Ismaaciil Wardheere. Goobjoogaha ayaa sheegay in Luga Dheere uu ahaa qofka bilaabay jirdilka isaga oo ey la socdeen niman askar ah kana kala tirsan Booliska iyo NISA ee G/Banaadir. Waxaase hadda muuqata in arrinkii ka dhacay Suuqa Siinaay laga dhigtay jid loo maro Fawdada caasimadda Muqdisho oo aan beryahaan arag maqalne wax rasaas ah,balse Mucaaradka door bideen iney dhiiga shacabka reer Muqdisho ku gaaraan kursiga ey iyagu rabaan,waxa eyna shacabka Muqdisho ugu baaqeen iney kasoo qeybgalaan Mudaaharaad ey iyagu horboodayaan inuu magaladda ka dhacao 27-ka bishaan Sebtembar-2025-ka kuna beegan maalinta Sabtida ah ee soo socoto. Khasaaraha ka dhashay iska horimaadkii dhexmaray Hayadaha Amaanka Caasimadda Muqdisho iyo Maleeshiyaadkii hubeysnaa ayaa waxaa ka mid ah hal qof oo dhintay kaaso ahaa ilaalada Ex.Rw-Xasan Cali Khayre lana yiraahdo AUN-LIIBAAN XAASHI,waxaane dhaawac fudud uu soo gaaray askar ka tirsan ciidamada Booliska G/banaadir,waxaane burburay laba gaari ey kala leeyihiin Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Diyaano iyo Ex.RW-Khayre. LA SOCO WIXII SOO KORDHA.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA MUQDISHO.