DAACISH OO QARAX KU DISHAY SARKAAL SARE KANA TIRSAN CIIDAMADA PUNTLAND.

(SAWIRKA)-GEN.AXMED.

(BOSASO/PL)-Wararka aan ka heleyn magaaladda Boosaaso ee Gobolka ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in Alle ha u naxariistee Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland,uu ku geeriyooday Qarax miino oo ey dhigeen kooxda Argagixisada Daacish, kaasoo lala beegsaday gaadiid uu la socday, islamarkaana marayay deegaanka Dhasaan ee buuraleyda Calmiskaad. Qaraxa ayaa sidoo kale sababay dhimashada Maxamed Hiiteeye oo ka tirsanaa ciidankiisa, halka saraakiil iyo askar kalena ku dhaawacmeen. Gen. Qalyare, oo bishii July dalka dibaddiisa uga soo laabtay safar caafimaad, waxa uu safka hore kaga jiray dagaalka adag ey  ciidamada Puntland ey kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda gobolka Bari. Madaxda Puntland, Siyaasiyiin, iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskiisa,Ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa ku tilmaamay marxuumka “shahiid ku dhintay isagoo difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa, sarkaal geesi ah oo qiime weyn ku lahaa halganka lagula jiro Argagixisada.” Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa xusay in Gen. Qalyare uu ahaa halyey naf-hur iyo waddaniyad ku dhisan, oo door muuqda ka qaatay dagaalladii lagaga saaray cadawga dhulka shacabka Waqooyi Bari. Masuuliyiin hore iyo Siyaasiyiin kala duwan, oo ey ku jiraan Xasan Shire Abgaal, ayaa ku sifeeyay geerida Gen. Qalyare mid Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka saartay geesi Qaran oo aan la ilaawi doonin. Gen. Qalyare wuxuu qeyb weyn ku lahaa dhismaha ciidanka Puntland iyo difaaca shacabka, isagoo sidoo kale hore uga soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal. Weerarada nuucaan ayaa ku soo badanaya gudaha Ciidsmadda Difaaca Puntland waayo waxaa horay mid kan la mid ah eyna ku dhinteen saraakiil sar sare iyo askar,waxaase mudan in la is weydiiyo yaa Argagixisada u sheega in wadadaas ey soo mari doonaan masuuliyiin ciidan si ey Miino u sii geliyaan haddiii aaney jirin cid Aragagixisada la shaqeysa kuna dhex jirta Ciidmada Difaaca PuntlanD?.

XIGASHO-RISAALA.


Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO NEW YORK KULA KULMAY MASUULIYIIN MARAYKAN AH.