MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO NEW YORK KULA KULMAY MASUULIYIIN MARAYKAN AH.

(SAWIRKA)-KULANKII NEW YORK.

(NEW YORK)-Wararka aan ka heleyno magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Muscod Faaris Boolis, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera. Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga Amni iyo la-dagaallanka Argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sida ey dowladda Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah Xasilloonida iyo horumarka guud ee Gobolka Geeska Afrika.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay furitaanka Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DAACISH OO QARAX KU DISHAY SARKAAL SARE KANA TIRSAN CIIDAMADA PUNTLAND.

Next
Next

173-DHALLINYARO SOOMAALIYEED AH OO DALKA DIB LOOGU SOO CELIYEY.