173-DHALLINYARO SOOMAALIYEED AH OO DALKA DIB LOOGU SOO CELIYEY.

(SAWIRKA)-DHALLINYARADA LAGA SOO CELIYEY LIIBIYA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ahe ee Aden cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ey maanta dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin ah oo laga soo daayay Xabsiyada dalka Liibiya. Diyaaraddii sidday muwaadiniinta la soo celiyay dalka Liibiya ayaa Muqdisho keentay 151 qof, kuwaasoo u badan dhallinyaro Gabdho iyo Wiilal ah,Waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde masuuliyiin ey ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS Md.Jabriil C/rashiid, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Md.Isaaq Maxaud Mursal,Xoghayaha Joogtada a ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Xamsa Xaadoole,masuuliyiin ka socday Xafiiska Madaxweynaha JFS, Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan soo-celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta Amb.Maryan Yaasiin Xaaji, Madaxa Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Md.Axmed Xuseen,Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub Karin Johansson,iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira kuwaasoo dowladda FS gacan siiya soo celinta muwaadiniinta. 22-qofoo oo ka mid ah dadka la soo celiyay ayaa laga dejiyay magaalada Hargeysa, halka 151 qof laga soo dejiyay magaalada Muqdisho. Dhallinyaradii laga soo dejiyay Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay farxadda ey u qabaan iney dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, iyaga oo uga mahadceliyay dowladda dadaalka ey ku bixisay sidii looga soo saari lahaa Xabsiyadii Liibiya oo ey dhibaatooyinka nololeed ku heysteen. Dhallinyaradaan laga soo celiyey dalka Liibiya ayaa waxaa ka mid ah 22-gabdhood kuwaaso warbaahinta u sheegay in Xabsiyadda dalka Liibiya ey ka jirto Nolol xumo ba’an tahay in Caalamka la gaarsiiyo xaaladaha halkaasi ka jira.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO NEW YORK KULA KULMAY MASUULIYIIN MARAYKAN AH.

Next
Next

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO SOO XIRAY KULANKA BANBAXA.