GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO SOO XIRAY KULANKA BANBAXA.

(SAWIRKA)-KULANKA LABADA AQAL EE BJFS.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi eysoo xiray kulan banbax ah ee Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa uga socday Guddiga La socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Kulanka oo laba maalmood socday ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta dib-u-eegista iyo dhammaystirka Dastuurka si Cutubyada harsan loogu gudbiyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa bogaadiyey kuna ammaanay Guddiga La socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka shaqada adag ey u hayaan Qaranka. Kulanka banbax howleedka ah oo uu soo qaban qaabiyey Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, habdhowrka, Guddoonnada Guddiyada Dib-u-eegista, Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga La socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal. Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la qorsheeyey inuu furmo 20-kii bishaan Sebtembar-2025-ka kuna beegneed maalintii Sabtida ee la soo dhaafay,balse codsi ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federraalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa furitaanka kalfadhiga 7-aad dib loogu dhigay ilaa 29-ka bishan Sebtembar-2025-ka kuna beegan maalinta Isniinta ah ee inagu soo aadan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgelaayo Shirka Guud ee Golaha Qaramada Midoobe(UNGA) ee 80-aad kaaso maanta ka furmay magaaladda New York ee dalka Maraykanka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

173-DHALLINYARO SOOMAALIYEED AH OO DALKA DIB LOOGU SOO CELIYEY.

Next
Next

MARKAB BADEECO U SOO SIDAY BOOSAASO OO KU GUBTAY HINDIYA.