MARKAB BADEECO U SOO SIDAY BOOSAASO OO KU GUBTAY HINDIYA.

(SAWIRKA)-HARAAGII MARKABKII GUBTAY.

(AHMEDABAD/INDIA)-Wararka laga helaayo Ahmedabad ayaa sheegaayo in Markab Xamuulka Qaada oo fadhigiisu yahay Jamnagar,PDI 1383 Haridasran, kaaso siday 950-Tan oo Bariis ah iyo78-Tan oo Sokor ah ayaa subaxnimadii maanta oo Isniin ah uu dab ku qabsaday dekedda Porbandae ee Gujarat dalka Hindiya. Lama sheegin wax kj=hasaara ah oo ka dhashay markabka gubta,iyadoo dhammaan 14-kii shaqaalihii Markaba si nabad ah looga daad gureeyey ka dib markii la sameeyey Gurmad iyo Deb Demis. Daqiiqado gudahood ayaa Qiis xoogan iyo Holac aad u kulul ayaa qabsaday Markabka kaaso meel fog laga arkaayey,waxa eyna taasi sababtay in qeylo dhaan ey ka soo yeerto dekeda oo dhan. Iyadoo ey suurtagashya in nafta la badbaadiyo hadane waxaa suutagal noqon in Markabka la badbaadiyo wax eyna noqotay in Markabka laga fogeeyo dekeda lana geeyo meel ka fog dekeda si looga hortago in dabku ku fido Maraakiibta kale iyo Kaabayaaasha kale ee ka agdhaw. Kooxaha deb Demiska ayaa debka kula dagaalamay debka gudaha biyaha Badda,balse Markab waxaa soo gaaray burbur aad u xoogan taaso keentay inaan la hubin Mustaqbalkiisa shaqo. Maamulka ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanaayo waxa sababay dabka. Kooxaha gargaarka waxay sii wadaan hawlgaladda qaboojinta si ey uga hortagaan hurgumada.

ISHA WARKA-WAKAALADO.

Previous
Previous

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO SOO XIRAY KULANKA BANBAXA.

Next
Next

SENITAR CUMAR FAATEX OO SOOMAALI AYAA TARTAMAAYO XILKA DUQA MAGAALADDA MINNEAPOLIS.