DUQEYN HORJOOGAYAAL LAGU DILAY OO KA DHACAY MOQOKORI.

(SAWIRKA)-DIYAARADA DRONES-KA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Diyaarado dagaal ey duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ey Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada AL-shabaab ey ku leeyigiin Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal duqeyn qorshaysan ka fuliyay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo lagu dilay Seddex Horjooge oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka AL-Shabaab. Horjoogayaasha la toogtay waxaa ka mid ah Cabdi Xiiray, oo ka tirsanaa Saraakiisha Sare ee AL-Shabaab, islamarkaana abaabulay weeraro iyo dhagaro badan oo lagu beegsaday Shacabka iyo Ciidamada ku sugan deegaannada Dawlad Goboleedka Hirshabeelle. Dowladda Soomaaliya ma soo bandhigay Sawirada Horjoogayaasha ka tirsanaa AL-shabaab ee lagu dilay duqeynta. Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah wiiqista awoodda AL-Shabaab ee Gobolka, iyadoo Saraakiisha Amnigu sheegeen iney sii wadi doonaan qorshayaasha ka dhanka ah kooxdan si loo xaqiijiyo Nabadda iyo Xasilloonida Shacabka Soomaaliyeed.

ISHA-RISAALA RADIO.

Previous
Previous

BOOLOISKA SOOMAALILAND OO MAMNUUCAY KULANKA ODAYAASHA EE BERRI.

Next
Next

WASIIR FIQI OO SI ADAG UGA HADLAY WIXII KA DHACAY SALDHIGA BOOLISKA WARDHIIGLEEY.