BOOLOISKA SOOMAALILAND OO MAMNUUCAY KULANKA ODAYAASHA EE BERRI.

(SAWIRKA)-TALIYAHA BOOLISKA SOOMAALILAND.

(HARGEYSA/SL)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaliland ayaa sheegaayo in Booliiska Somaliland uu si adag uga hor yimid shir ey qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha dega Galbeedka Hargeysa ku baaqeen in berri lagu qabto Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle ee mahaalada Hargaysa, ka dib markii loo diiday iney ku shiraan Hoteellada magaalada. Taliyaha Ciidanka Booliiska, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), oo warbaahinta la hadlay, ayaa si adag uga digay shirkan, isaga oo sheegay in dadka soo abaabulay aanay fasax kasoo qaadan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. “Dadka ku baaqaya shir aan sharci ahayn, oo lagaga hor imanayo ciidanka booliiska, lama oggolaan doono. Shirka lagu qabanayo Xawaadle ee qayb ka mid ah bulshada ku baaqday ma aha shir laysku raacsan yahay, waa shir layskaga soo horjeedo, waana shir aan looga fasax qaadan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee sharciga u leh,” ayuu yiri Cabdi Dheere. Waxa uu intaas ku daray in shirkaasi khatar gelin karo dadka ku Ganacsada agagaarka Garoonka, isaga oo waalidiinta uga digay iney ubadkoodu ka qayb qaataan shirkaas ama qalalaase ka dhaca xaafadda Xawaadle. Dhanka kale, waxa uu digniin u diray iskaashatooyinka basaska magaalada ka shaqeeya, isaga oo sheegay in lala xisaabtami doono haddii la arko bas sida dad abaabulan oo buuq wada. “Fidnada la hurinayo, dadka ku hawlan booliisku isha ayuu ku hayaa, tallaabadiisana wuu ka qaadi doonaa. Nina u daba fadhiisan mayno, ugamana haybaysanayno in uu nabadda dalka ku ciyaaro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Taliyuhu waxa uu sheegay in maalinta berri ee ey Odayaashu ku baaqeen in shirka la qabto, uu ciidamo ku daabuli doono Garoonka iyo Agagaarkiisa, isla markaana aanu oggolaan doonin in dad iskugu yimaadaan goobtaas. Shirkan oo aan si cad loo garanayn ujeeddadiisa ayaa la sheegay in Odayaasha soo abaabulay ey doonayaan iney soo dhisaan musharax la tartama Maxamed Kaahin Axmed, madaama deegaankoodu cod badan siiyay xisbiga Kulmiye.

XIGASHO HOL.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO SHEEGAY HALKA LA DEJINAAYO CIIDAMADA MASAARIDDA.

Next
Next

DUQEYN HORJOOGAYAAL LAGU DILAY OO KA DHACAY MOQOKORI.