MW-XASAN SHEEKH OO SHEEGAY HALKA LA DEJINAAYO CIIDAMADA MASAARIDDA.

(SAWIRKA)-MW.XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada Masar lagu dejin doono Gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Mahadaay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale beeniyay warar horey warbaahinta loogu faafiyay oo sheegayay in ciidamada Masar loo diri doono Gobolka Gedo, halkaasoo ey ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada Masar ey badali doonaan booska ey banaaneyn doonaan ciidamada Burundi, kuwaasoo dhowaan ka baxaya Soomaaliya, ka dib markuu u dhamaado lix bilood ee loogu kordhiyay. “Waa laga yaabaa in Masar iyo Ethiopia uu khilaafaad ka dhaxeeyo, laakiin Soomaaliya gudaheed ma ahan. Ciidamo Masar ah oo tagaya xuduuda Itoobiya si qalqal uga abuuran ma jiraan, sidoo kale Masar nama weydiisan iney tagaan xuduudka Itoobiya,” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in hadafka Soomaaliya uusan ahayn in labada dal ey isku dhex dagaalamaan gudaha dalka. Wuxuu intaa ku daray in ciidamada Masar u yimaadeen Soomaaliya si ey uga qayb qaataan sugidda amniga. “Soomaaliya ma ogolaan doonto in labo dal oo ku lug leh ‘Proxy War’ ey gudaha dalka ku dagaalamaan. Labada dalba xiriir aad u wanaagsan ayey nala leeyihiin, mana jirto sabab ey Soomaaliya ugu dhex dagaalamaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Dhawaan ayey ahayd markii Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu weerar afka ah ku qaaday ciidamada Masar, isagoo sheegay in Masar eysan lahayn taariikh Nabad-sugineed, isla markaana imaanshahooda uusan wax faa’iido ah ku yeelan doonin xaaladda amni ee Soomaaliya.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

KULAN AAD U XQURUX BADAN OO CAAWA KA DHACAY DEG.KAARAAN.

Next
Next

BOOLOISKA SOOMAALILAND OO MAMNUUCAY KULANKA ODAYAASHA EE BERRI.