KULAN AAD U XQURUX BADAN OO CAAWA KA DHACAY DEG.KAARAAN.

(SAWIRKA)-XARUNTA DEGMADA KAARAAN.

(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoggaaminaayey kulan ballaaran oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaasoo si adag loogu dhaleeceeyay isku-daygii Hoggaamiyeyaasha Mucaaradku ey galabta oo Arbaca ah ey ku weerareen Saldhigga degmada Warta Nabadda, halkaas oo ey ku doonayeen iney si' xoog ah ku farageliyaan hawl boolisku si' xil-gudasho ah wadeen. Xildhibaanno, Raysal Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi, Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka, iyo dhammaan qeybaha bulshada ee madasha ka soo qaybgalay ayaa si' isku mid ah u cambaareeyay hab-dhaqanka duuga ah ee ey maanta Mucaaradku ku kaceen, kaasoo ey ku tilmaameen mid huwan 'dano shisheeye, u adeegaya Argagixisada', isla markaana ka tarjumaya dib-u-socodnimo khatar ku ah mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ka-qaybgalayaashu waxay si cad u sheegeen in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo dhaawacaya nabadda, midnimada iyo horumarka qaranka. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ficilladaasi foosha xun dhaleeceeyay ayaaa sheegay in aan cidna laga aqbali doonin fal kasta oo lagu qalqalgelinayo nabadda iyo xasilloonida caasimadda. Wuxuu tilmaamay in ficilladii ey Mucaaradku maanta sameeyeen iyo hadalladii ey dhowaan jeediyeen ee u muuqday kuwo qiil u samaynaya Argagixisada, labaduba ey yihiin ficillo u adeegaya danaha cadowga Ummadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Guddoomiye Dr. Muungaab, oo ka hadlay arrimaha dhul-bixinta, ayaa sheegay in sharciyan ey Dowladda Hoose Mas’uul ka tahay, islamarkaana ey awood u leedahay iney go’aan ka gaarto cidda dhulka la siinayo, iyadoo lagu salaynayo danta dowladnimada iyo bilicda caasimadda. Wuxuu sheegay in markii horeba ey dowalddu hoose bixisay dhulalkaasi, oo ah xarumihii kuu yiillay ey noqdeen kuwo burbursan oo uu dayac ka muuqdo, qaarkoodna cooshado ka dhisan yihiin, taasoo khatar ku ah bulshada iyo amniga magaalada. Sidaas darteed, ayuu xusay in dowladda hoose ey xaq u leedahay iney dhulkaasi siiso Qandaraaslayaal dhisaya si loo hagaajiyo muuqaalka iyo amniga Muqdisho. Dr. Muungaab ayaa ugu dambeyn ku nuuxnuuxsaday in aan la aqbali karin in nabadda la qalqalgeliyo, isla markaana uu ku baaqay in mucaaradka ay ku dhaqmaan habraaca dastuuri ah haddii ay hayaan cabasho ama dalab siyaasadeed. Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin hore sida Reysal Wasaarihii hore Md.Prof.Cali Maxamed Geedi, Wasiirkii hore Amniga Gudaha Xasan Xundubeey,Nabadoon Abaabul, Nabadoon Muxyadiin Afrax iyo Xildhibaano ey ka mid yihiin Xildhibaano xaadoole iyo Xildhibaan C/qaadir.

XIGASHO-BANAADIR TV.


Previous
Previous

TALISKA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO WAR SAXAAFADEED KA SOO SAARAY WIXII DHACAY MAANTA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO SHEEGAY HALKA LA DEJINAAYO CIIDAMADA MASAARIDDA.