TALISKA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO WAR SAXAAFADEED KA SOO SAARAY WIXII DHACAY MAANTA.
(SAWIRKA)-WAR SAXAAFADEEDKA BOOLISKA.
(MUQDISHO)-BREAKING NEWS: Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliska Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed uu War Saxaafadeed ka soo saaray wixii maanta ka dhacay Suuqa Siinaay iyo Saldhiga Booliska degmada Warta Nabada. Taliska ayaa qoraalkiisa ku xusay in waqtiga uu dhacaayey weerarka Saldhiga Booliska degmada Warta Nabada ey gudaha ku sugnaayeen Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan C/laahi (Diyaano) iyo Taliyaha Booliska ee Qeybta Gobolka Banaadir G/Sare.Mahdi Cumar Muumin,saraakiisha ayaa la sheegay iney goobta u yimaadeen kormeer iyo iney hubiyaan wixii ka dhacay Suuqa Siinaay. Taliska Booliska Sooaaliyeed ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Saldhiga Warta Nabada ey fuliyeen Maleeshiyaad kuwaaso la socday xubno ka mid ah Madaxdii hore ee dalka Soomaaliya sida Ex.Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ex.Reysal Wasaare Xasan Cali Khayre,Taliska ayaa intaas raaciyey in weerarka Saldhiga uu sababay iney saldhiga ka baxsadaan dhawr maxaabiis kuwaaso u xirnaay dembiyo culus ey soo galeen iyo dhaawacyo loo geystay askartii ilaalineysay saldhiga. Ugu dambeyntii Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu bilaabay baaritaan la xiriira faldembiyeedkii maanta ka dhacay saldhiga booliska ee Warta Nabada,natiijada ka soo baxdana loo gudbin doono Hayadaha awooda u leh.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.