HOOYO SOOMAALIYEED OO TOOREEY LAGU DILAY DALKA MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-GAARIGA BOOLISKA SAINT CLOUD.
(SAINT CLOUD/MN)-Wararka aan ka heleyno magaaladaa Saint Cloud ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Booliska magaaladda Saint Cloud ee Gobolka Minnesota ayaa sheegay in Hooyo Soomaali ah ey dhimatay ka dib markii mindi tooreey ah lala dhacay oo dhowr jeer goor dambe oo habeenkii Talaadada ee bishan September ey ahayd 23, 2025. Saraakiisha booliiska ayaa iyaga oo ka jawaabaya taleefanka gurmadka deg-dega ah ee 911-ka waxay si gurmad ah ku yimaadeen guri uu ciwaankiisu yahay 1000 East St. Germain Street, saacadu markay ahayd abbaare 11:24 p.m habeenimo. Markii ey booliisku yimaadeen guriga waxay heleen qof dumar ah oo la ildaran dhaawacyo badan oo Tooreey lagu dhuftay ey sababtay. Saraakiisha iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa isku dayay iney qaadaan tallaabooyin naf-badbaadin ah ka hor inta aan loo qaadin Isbitaalka St. Cloud Hooyada Soomaaliyeed, balse Allaha u naxariisto ee Hooyada Soomaaliyeed ayaa Isbitaalka ku geeriyootay. Weli Hooyaddan magaceeda, da'deeda iyo sida ey wax u dhaceen lama sheegin. Maamulka booliiska magaaladda Saint Cloud ayaa sheegay in nin 26 jir ah oo degan magaaladda St. Cloud uu ku sugnaa goobta dambigu ka dhacay. Booliiska ayaa sheegay in ey Xabsiga u taxaabeen oo ey xireen ninkii guriga ku sugnaa iyada oo aan wax dhibaato ah dhicin. Haddaba ninka Hooyadda Soomaaliyeed tooreyda ku dilay oo isaguna Soomaali ah ayaa la sheegay in ey isaga iyo gabadha uu dilay ey hal cunug isku dhaleen. Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ninka iyo haweeneyda ey is yaqaaneen, waxaana ey sheegeen in eysan jirin khatar joogto ah oo shacabka ku wajahan.
XIGASHO-TUSMO TIMES.