GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRE..
(SAWIRKA)-GUD.ADEN MADOOBE.
(MUQDISHO)-Wararka laga heaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdiraxman Khalil Axmed Afandi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iyo dardargelinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan. Danjire Abdelrahman ayaa uga mahadceliyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa diirran, isagoo xusay in Dowladda Suudaan ay ku faraxsan tahay xiriirka qotada dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka ku leeyahay xoojinta wadashaqeynta labada dal. Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay in Soomaaliya iyo Suudaan uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, kaasoo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ey mar walba abaal weyn u hayaan taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Suudaan.
ISAH-SNTV.