RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRADDA.
(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu Ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga, iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaasoo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, Amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka. Dhinaca kale,Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxa ey cod buuxa ku Ansixiyeen Qaraar ku saabsan Gunaanadka xilka Xeerdheeraha Madaxa banaan ee xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kaasoo si rasmi ah loo soo afjari doono dhammadka bisha Oktoobar ee sannadkan 2025-ka.
ISHA-SNTV.