WASIIR AL-CADAALA OO BOOQDAY BAAARLAMAANKA G/MINNESOTA.

(SAWIRKA)-WASIR AL-CADALA IYO XIL.SAMAKAB.

(MINNESOTA/USA)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf AL-Cadala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka,halkaasoo si sharaf leh uu ugu soo dhaweeyey Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka Gobolkaas. Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay horumarinta dalka. Wasiir AL-Cadala ayaa Xildhibaan Samakaab gudoonsiiyey Shahaado Sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota iyo dalkii hooyo. Wasiirku wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ey leedahay fursado badan oo dalxiiseed oo u baahan in la soo bandhigo, isagoo xusay in qurba-joogtu ey door muuqda ku yeelan karaan dhiirrigelinta dhaqaalaha dalxiiska. Sidoo kale wuxuu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhisidda, isla markaana mudan in laga faa’iideysto casharrada laga baran karo nidaamka sharci-dejinta Minnesota. Dhankiisa, Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa Wasiirka ku soo wareejiyey Xafiisyada Aqalka Sharci-dejinta Minnesota, isagoo uga warramay taariikhda dhismaha Golaha, habraacyada sharci-dejinta, iyo sida dimuqraadiyaddu ugu adeegto bulshada gobolka. Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qurba-joogta, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

AFRICOM OO SHEEGTAY INEY DUQEYN KA GEYSATAY PUNTLAND.

Next
Next

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRADDA.