AFRICOM OO SHEEGTAY INEY DUQEYN KA GEYSATAY PUNTLAND.

(SAWIRKA)DRONES.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliska Ciidanka Dowladda Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ey sheegeen iney duqeyn dhinaca cirka ah ku qaadeen kooxda Daacish oo ku dhuumaaleysaneysay buuraha Calmiskaad ee Dawlad Goboleedka Puntland. Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 37 mayl Koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee ah caasimadda Gobolka Bari,waxaana lala bartilmaameedsaday godad ey ku jireen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Waa duqayntii labaad oo labo todobaad gudihiis uu Maraykanku ka fuliyo gudaha Puntland. Duqeyntii ka horaysay waxay ka dhacday 13-kii Sebtembar gobolka Sanaag. AFRICOM waxay sheegtay in lagu dilay Ganacsade hub u kala gudbin jiray AL-Shabaab, balse dadka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku dooday ninka la beegsaday inuu ahaa nabadoon caan ah oo aan xiriir la lahayn AL-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM ayaa sanadkan keliya Soomaaliya ka fulisay 79 duqeyn, taasoo jebisay rikoodhkii hore ee maamulka Trump. Dhinaca kale, taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay, tirada Daacishta ku jirta buuraha Calmiskaad iney gaarayaan inta u dhaxasya 150 ilaa 200 dagaalame. Wuxuu sheegay iney aad u kooban yihiin Ajaanibta ku harsan buuraha. Maalmo ka hor, sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray. Gen. Cabdi Cali Qalyare oo ahaa taliyihii Guuto Labaad ee ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa lagu dilay Qarax miino oo waddada loogu aasay. Awoodda Daacish ayaa hadda u muuqata iney kusoo ururtay Qaraxyada ey waddooyinka ugu qarinayaan ciidamada iyo saraakiisha Puntland.

XIGASH-HOL.


Previous
Previous

MW-AFEWERKI OO KA DIGAY KHATARTA IMAARAATKA EE GEESKA AFRIKA.

Next
Next

WASIIR AL-CADAALA OO BOOQDAY BAAARLAMAANKA G/MINNESOTA.