WASIIR FIQI OO SHIR GUDOOMIYEY KULAN KA DHACAY WASAARADDA.
(SAWIRKA)-XARUNTA G/DHIGA.
(MUQDISHO)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda. Kulankan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ahna Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye waxa uu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jiro dib u xoreyn iyo la-dagaalanka Argagaxisada, iska warqabka, mideynta ajendeyaasha iyo farriimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha xasilinta. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyay howlgallada ey ku jiraan geesiyaasha Xoogga Dalka, sida ey ugu raadjoogaan haraadiga cadowga iyo kaalinta ey tahay iney guddigan ku lahaadaan gulufka socda iyo bandhigga guulaha. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dheeraaday kaalinta ey warbaahinta u leedahay abaabulka, ka hortagga dacaayadaha Argagaxisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha Ciidanka Qalabka Sida, jiheynta umadda iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dadaallada xasilinta iyo soo kabashada isaga oo adkeeyey in la laba jibaaro howshan loona diyaargaroobo wajigii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.
ISHA-SNTV.