MARAYKANKA OO AL-QAACIDA KU LAAYEY K/YAMAN.
(SAWIRKA)-BUURAHA G/ABYAN EE DALKA YEMAN.
(YEMEN)-Shan xubnood oo ka tirsan Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerar ey fuliyee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo ka dhacay koonfurta Yemen,sida ey laba ilo-wareedyo ammaanka Yemen ayaa sheegay maanta oo Sabti ah. "Dadka deegaanka ayaa nagu soo wargeliyay duqeynta Mareykanka... shan ka tirsan AL-Qaacida waa la baabi'iyay," ayuu yiri ilo ammaan oo ku sugan Gobolka Abyan, oo xuduud la leh Xarunta Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhida Cadan. "Weerarka Mareykanka ee fiidnimadii Jimcaha ee Waqooyiga Khabar AL-Maraqsha ayaa lagu dilay shan," ayaa laga soo xigtay ilo labaad, isaga oo tixraacaya dhul buuraley ah oo loo yaqaanno AL-Qaacida. Ilaha labaad ee ammaanka ayaa intaa ku daray in inkastoo aan la ogeyn magacyada dadka lagu dilay duqeynta, haddana waxaa la rumeysan yahay in dadka dhintay uu ku jiro mid ka mid ah horjoogayaasha Al-Qaacida. Washington waxay mar u arki jirtay kooxda, oo loo yaqaan AL-Qaacidada Jaziiradda Carabta (AQAP), iney tahay laanta shabakadda xagjirka ah ee ugu khatarta badan. Ururka AQAP waxa uu ku koray kuna horumaray fowdada dagaalka Yemen, kaas oo tan iyo 2015 uu iska horkeenay Xuutiyiinta ey Iran taageerto ee ka dhanka ah isbahaysiga Carbeed ee taageera dawladda Yeman. Horaantii bishan, Mareykanka ayaa heshiis xabad joojin ah la gaaray Xuutiyiinta oo muddo toban sano ka badan maamulayay dhul ballaaran oo Yemen ka tirsan, taasoo soo afjartay toddobaadyo duqeymo xooggan oo Mareykanku uu ku hayay deegaannada ey Xuutiyiinta ka taliso ee dalkaas. Xuutiyiinta ayaa billaabay iney rasaas ku ridaan Maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed bishii November 2023, toddobaadyo ka dib markii uu billowday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas, taasoo soo dedejisay weerarada Milateri ee Mareykanka iyo Ingiriiska ey billaabeen January 2024-ka. Colaadda Yemen ayaa sababtay dhimashada boqollaal kun oo qof waxayna kicisay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka, in kasta oo dagaalladu aad hoos ugu dhaceen ka dib xabbad-joojin lix bilood ah oo ey Qaramada Midoobay ka xaajooday sannadkii 2022-kii.
ISHA-AA.