JARMALKA OO KA HADLAY HAWEENEY DAD MIDIYEYSAY.
(SAWIRKA)-HAWEENEYDII DADKA MIDIYEYSAY.
(HUMBURG)-Booliiska Jarmalka ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqay in haweeney Jarmal ah oo lagu eedeeyay iney fulisay weerar tooreey oo ey ku dhaawacmeen 18 qof oo ka dhacay saldhigga tareenada ee Hamburg ey qabto cudurka dhimirka. Booliska ayaa sheegay in garsooraha dambi baarista uu amray haweeneyda 39-jirka ah in la dhigo isbitaalka dhimirka. Tuhmanaha ayaa laga soo qabtay goobta uu weerarka ka dhacay, oo Jimcihii ka dhacday Xarunta Tareenka ee Hamburg, xilli fiidnimadii. Muuqaal laga soo duubay xariga haweeneydan ayaa ku baahay baraha bulshada.Booliisku waxay bayaan ey soo saareen ku sheegay in haweeneyda ey la il daran tahay "Calaamado cad oo ah Xanuunnada dhimirka," iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin xaaladeeda. Waxa ey intaasi ku dartay in xilliga la weeraray eysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya iney ku jirtay Maandooriye ama Khamri,taasi oo ey ku dhaawacmeen afar ruux. Haweeneyda ayaa la xiray iyada oo aan wax iska caabin ah sameyn ka dib weerarka. Waxaa lagu wadaa in sabtida dambe ey ka soo muuqato garsooraha. Booliska ayaa meesha ka saaray "Ujeeddo Siyaasadeed" oo ka dambeysay weerarka, waxayna rumeysan yihiin in tuhmanuhu uu keligiis u dhaqmay.
WAQTIGA UGU SAREEYO:
Weerarka ayaa ka dhacay goob tareen ka soo hor jeedda oo joogsaday, iyadoo lagu guda jiro saacada deg dega ah ee sabtida iyo Axada, sida ey sheegtay warbaahinta Jarmalka. Tuhmanaha ayaa la rumeysan yahay inuu fuliyay weerarka "ka dhanka ah rakaabka" ee saldhigga, afhayeen u hadashay Waaxda Booliiska Federaalka ee Hanover, oo ey ku jirto Hamburg, ayaa u sheegtay AFP. Dadka dhaawacmay ayaa da’doodu u dhaxaysay 19 ilaa 85 sano jir. Booliska ayaa sheegay in afar ka mid ah ey xaaladoodu liidato: nin 24 jir ah iyo saddex dumar ah oo da’doodu kala tahay 24, 52 iyo 85. Laga soo bilaabo saldhigga tareenka ee Hamburg,ka dib markii dhowr qof ey ku dhaawacmeen weerar mindi - Reuters May 23, 2025 Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay ciidamada booliska oo xiray qaar ka mid ah barxadaha saldhiga, waxaana dadka loo qaadayay gaadiidka gurmadka deg dega ah. Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo horay iyo gadaal uga sii socda fagaarayaasha uu weerarku ka dhacay. Qoraal ey soo dhigtay Twitter-ka shirkadda Jarmalka ee Deutsche Bahn ayaa lagu sheegay in afar goobood oo ku yaalla saldhigga la xiray iyadoo baaritaannada ay socdaan. Bilihii la soo dhaafay, Jarmalka waxaa ka dhacayay weeraro rabshado wata, oo inta badan laga leeyahay ujeedooyinka xagjirka ah, taasoo amniga ka dhigaysa ajandaha ugu sareeyo.
ISHA-AA.