GOLAHA SHACABKA BJFS OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Ugu horeyn Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka ayaa mudanayaasha Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo uu guddiga kusoo daray doodii iyo aragtiyadii Xildhibaanada ee akhrintii labaad. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaatay 136-Xildhibaan, 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay. Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha madaniga ah, waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday 5-xildhibaanna waa ey ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay arin ey xildhibaano Golaha ka tirsan soo jeediyeen taas oo aheyd in Golaha uu dhaqaale ku taageero Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira Khawaariijta, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in arrintaas uu guddoonka Golaha guddi gaar ah u xilsaari doono. Shirweynaha 19-aad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanadda ururkan ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Dar es Salaam ee caasimadda wadanka Tanzania. Shirka ayaa ugu horeyn looga hadlay warbixinadii ugu dambeeyay ee la xiriira xaga shuruucda, kuwaas oo la horgeeyay baarlamaanadda Ururka iyo kuwa hada la rabo in la horgeeyo, waxaana Intaasi ka dib Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ey shirka kusoo gudbiyeen warbixino la xiriira howlaha ay qabtaan iyo shaqooyinkooda. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay ayaa ka hadlay howlaha uu qabto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, howsha soo xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika iyo sidoo kale ku biirista Soomaaliya ee Ururkan iyo kaalinteeda firfircoon. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Soomaalida ey is dhexgal badan oo dhinaca ganacsiga ka sameysay guud ahaan Gobolka kaalin weyn oo muuqatana ey dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka ganacsi ee Gobolka. Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in Soomaaliya ey kaalin muuqata ka qaadan doonto howlaha ururka, waxaana uu u mahadceliyay Guddoomiyaha ururka iyo guddoomiyaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika, Dowladda Tanzania oo shirka martigelisay iyo shacabka wadankaasi. Shirweynaha 19-aad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanadda ururkan oo laba maalmood socday ayaa ka qeyb galayaasha shirka waxa ey isla maariyeen warbixinadii ey shirweynaha u gudbiyeen xoghayaasha guud ee ururkan oo kulan horudhac u hore u yeeshay.

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

ILAALADA XEEBAHA GIRIIGA OO LA DACWEEYEY.

Next
Next

JARMALKA OO KA HADLAY HAWEENEY DAD MIDIYEYSAY.