WASIIR FIQI OO LA KULMAY HEYAD KA SOCOTO MIDAWGA YURUB.
(SAWIRKA)-KULANKII G/DHIGA.
(MUQDISHO)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo howlwadeenada sare ee Wasaaradda ayaa maanta kulan la yeeshay koox ka socotay Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (EUTM-S), oo uu hoggaaminayay Colonel Riccardo Peretto, Madaxa Kooxda La-taliyeyaasha EUTM-S. Intii uu kulanku socday, Wasiir Fiqi wuxuu uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah iyo iskaashiga miro-dhalka leh oo ey la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib-u-dhiska awoodda hay’adaha amniga dalka. Wuxuu xusay kaalinta muhiimka ah ee EUTM-Somalia ey ku leedahay tababarka iyo tayeynta ciidanka, isla markaana aey door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka. Kooxda EUTM-S ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey hawlaha ey ka taageeraan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhinacyada kale ee la iska kaashan karo, iyagoo ku salaynaya qorsheyaasha hortabinta u leh Wasaaradda. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta EUTM-S ey kusoo beegantay marxalad muhiim ah oo Wasaaraddu ku hawlan tahay dib-u-habeyn ballaaran, si loo helo hay’ad difaac oo ka jawaabta baahida shacabka una shaqeysa si waafaqsan mudnaanta qaranka.
ISHA-SNTV.