DIOGA JOTA IYO WALAALKIISA ANDRE SILVA OO KU DHINTAY SHIL.

(SAWIRKA)-DIOGO JOTA.

(SPAIN)-Weeraryahanka kooxda Liverpool Diogo Jose Teixeira da Silva, oo loo yaqaan Diogo Jota iyo walaalkiis ka yar Andre Filipe Teixeira da Silva ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow Zamora, ee Waqooyi-Galbeed dalka Isbeyn, mas'uuliyiinta ayaa sheegay Khamiista maanta ah. Ciyaartoyga Premier League, oo 28 jir ah, ayaa bishii hore guursaday lammaanihiisa muddada dheer, Rute Cardoso, isagoo soo dhigay sawirrada dhacdadaas baraha bulshada.

XIRFADDA KUBADDA CAGTA EE JOTA:

Jota, waxa uu 49 jeer u ciyaaray Xulka Qaranka Bortaqiiska, waxa uuna kooxda Liverpool uu uga soo biiray Wolverhampton Wanderers xagaagii 2020. Waxa uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kooxda Anfield xilli ciyaareedkii 2024-25 ee ku guuleysiga horyaalka. Jota ayaa sidoo kale Liverpool kula guuleystay FA Cup iyo League Cup, isagoo u dhaliyay 65 gool,182 kulan oo uu u saftay kooxda.

MAXAY AHAAYEEN FALCELINTU?

"Kooxda Kubadda Cagta Liverpool waxay aad uga xumaadeen geeridii naxdinta lahayd ee Diogo Jota," kooxda Premier League ayaa sidaas ku soo qorta barteeda X. Xiriirka Kubadda Cagta Boortaqiiska ayaa ugu baaqay Xiriirka Kubada Cagta Yurub ee UEFA, in ey qabtaan hal daqiiqo oo aamusnaan ah, Khamiista, ka hor kulanka xulkeena ey la ciyaarayaan Isbeyn ee tartanka Haweenka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub.

"Waxaan luminay laba horyaal. Baaskii Diogo iyo Andre Silva waxay ka dhigan tahay khasaare aan laga soo kaban karin oo soo gaaray Kubada Cagta Bortaqiiska, waxaana sameyn doonaa wax walba si aan u sharfo dhaxalkooda maalin walba," Xiriirka ayaa sidaas soo dhigay bartiisa X. “Wax macno ah ma samaynayso,” ayuu isla madal uu ku soo qoray Xiddigga caanka ah ee caalamiga ah iyo Xiddiga reer Bortoqiis ee Cristiano Ronaldo, isagoo tacsi u diray Xaaska Jota iyo Carruurtiisa. "Nabad ku naso, Diogo iyo Andre. Dhammaanteen waan idin tabi doonnaa," ayuu raaciyay. Raysal Wasaaraha Bortaqiiska Luis Montenegro ayaa yiri "Warka ku saabsan geerida Diogo Jota, oo ahaa ciyaaryahan si weyn u sharfay magaca Bortaqiiska, iyo walaalkii waa mid lama filaan ah oo naxdin leh, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskooda, waa maalin murugo u leh kubada cagta iyo ciyaaraha Qaranka iyo kuwa caalamiga ah." Xiriirka Kubadda Cagta Jarmalka ayaa bartiisa X ku qoara: "Aad ayaan uga xunnahay inaan ogaanay geerida Diogo Jota iyo walaalkiis Andre Silva. Fikradahayaga ayaa la jira qoyskiisa, kuwa uu jecel yahay, Liverpool FC, iyo Xiriirka Kubadda Cagta Bortaqiiska. Os nossos sentimentos."

MAXAAN KA OGNAHAY SHILKA?

Maamulka Castile iyo Leon, oo ah Gobol aan bad lahayn oo ku yaal Waqooyiga dalka Isbeyn oo xuduud la leh dalka Bortaqiiska, ayaa sheegay in baabuur uu shil galay wax yar ka dib saqdii dhexe ee Khamiista oo uu dab qabsaday, iyadoo laga helay dhex helay laba nin oo Meyd ah. Ilaalada madaniga ah ee dalka Isbeyn ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in gaariga oo nuuciisu yahay Lamborghini uu wadada ka baxay ka dib markii uu taayir ka qarxay.

ISHA-DW.

Previous
Previous

JARMALKA OO KU DHEGAN KABTAN AYUUB IYO YACQUUB SIYAAD,SABABTA?

Next
Next

WASIIR FIQI OO LA KULMAY HEYAD KA SOCOTO MIDAWGA YURUB.